Dhagayso: Madaxweynaha KGS Shariif Xasan oo ku faanaya Guushii uu dadkiisa uga soo Hoyiyey Shirkii Kismayo

18 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo oo Xarun u ah ayaa Cod dheer ugu sheegay dadkiisa Mawqifka uu la tagay Shirkii Kismayo. Kaasoo uu ku sheegay 4.5 waxaan ahyn inaysan u Cuntamin.
175c8
Ugu horayn madaxweyne Shariif oo ay ka muuqatay inuu guul ka gaaray Rabitaankiisii ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey Shirkii Kismayo waxa uuna yiri ”Waxaan ka wada hadalnay sida ay noqonayso Doorashada iyo Habka la qaadanayo”

Madaxweyne Shariif Xasan  ayaa mar uu sharxayey waxa uu ugu dhagay Habka Qabaliga ah ee 4.5 waxa uu yiri ”..Gobolada KGS waa Gobolo Soomaali oo dhan ay wada degto,,, waxaanuna niri nin nin wax dheer ma jiro, nin nin wax dheer ma jiro, ilaa la is tiriyo Habkii wada noolaanshaha ee 4.5 waxaan ahayn ma rabno”

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa wuxuu u ekaa nin soo guulaystay, oo ay u muuqato inuu ku diganayo madaxweynayaasha Gaas iyo Axmed Madoobe.

Dhagayso Madaxweyne Shariif Xasan


Puntlandes.com

About The Author