Madaxweyne Xasan & Jawaari oo gaaray Beydhabo

19 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa gaaray Magaalada Beydhabo halkaas oo ay ka socoto Xafladda Caleema saarka Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Koofur Galbeed iyo kuxi-geenkiisa.

191-3

Madaxweynaha waxaa la socda xubno wasiirro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maareeye iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafladda lagu caleema saarayo Guddoomiyaha Barlamaanka Koonfur Galbeed  Cabduqaadir Shariif Shiiqunaa Maye iyo kuxi-geenkiisa ayaa si heer sare ah uga socota magaaalaada Beydhabo iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay ka daawan karaan tv-ga Qaranka oo toos u tabinaya xafladdaas.

187

Waxaa isna isla maamta gaaray Magaalada Beydhab Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS iyo Wafdi kale oo uu hogaaminayo, iyagoo halkaas u gaaray inay ka qayb galaan Xafladda Caleema saarka Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Koofur Galbeed iyo kuxi-geenkiisa.

Puntlandes.com

About The Author