Sawiro: Shir ay isugu yimaaden Jaaliyada Puntland ee Melbourne ee dalka Australia & gudiga arimaha deg dega ah ee Jaaliyada oo ka dhacay Melbourne Australia

19 Jan 2016 (Puntlandes)Shir ay isugu yimaaden Jaaliyada Puntland ee magaalada Melbourne ee dalka Australia iyo gudiga arimaha deg dega ah ee Jaaliyadaas ayaa ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Waxaa shirkaan, shirgudoominayey Gudoomiyaha Qurba joogta Puntland ee Australia Mr Cumar Mahamud Farah Dhoolawaa. Waxaa shirkaan oo aan caadi aheyn kana duwan kuwii hore ee ka dhici jirey Melbourne Australia ayaa Warbixintaas oo ku saabsaneyd xaalada Deegaanka magaalada Bursaalax ee Gobolka Mudug taas oo laga soo sheegey baahi caam una baahan in laga hirgaliyo mashruuc nadaafada magaalada Bursaalax, la dagaalanka Bacaha iyo Baabuur Iska Roga ah oo lagu taageerahayo Dowlada Hoose ee magaaladaas Bursalaax

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galeen wax garad isugu jira rag iyo Dumar iyo dhalinba waxaa la isku afgratey in si deg deg ah wax looga qabto arintaas iyadoo loo saarey Gudi ka kooban Odayaaal iyo gabdhaba, isla markaasna la qeybsadey sidii arintaas iyada loo meel marin lahaa

Magaaladaas Bursaalax ayaa waxay ka mid tahay meelaha maalgalinta ay ku sameeyeen Xubno muhiim ah oo ka mid Jaaliyada Qurba Joogta Puntland ee degen Melbourne Australia

Waxaa ka mid ah maalgalintaas oo Schoolo isugu jira Dugsi Sare iyo mid dhexeba-Dugsi Quraam iyo Warshad lagu sifeeyo Biyaha kuwaas oo amaanteeda uu lahaa Xassan Yusuf Dhuux oo ah ninkii ugu horeeyey oo fuliyey maalgalintaas iyada ah, schoolada iyo Warshada sifeynta Biyaha Magaalada Bursaalax,

Hassan Yusuf Dhuux waxaa uu ka mid yahay wax garadka Jaaliyada Somaliyed ee degen wadankaan Australia waxaana kulan kaan isga ah looga mahad celiyey gacanta iyo dib u dhiska degaankaas isaga ah uu ka geystey Hassan Yusuf Dhuux:

Ugu danbeyntii waxaa lagu balamey in lagu dhaqaaqo hawshaan iyada ah kulan kalna uu daba socon doono midkaan

Waxaa soo gaba gabeeyey shirka Cumar Mahamud Farah Dhoolawaaoo ah gudoomiyaha Jaaliayada Qurba Joogta Puntland ee Australia, mahad balaarana u jeediyey gaar ahaan iyo guud ahaanab Jaaliyada reer Puntland oo caan ku ah wada jirka iyo garab istaaga dad kooda xaalad kasta oo soo wajahda.
191-0

191-0a

191-0a1

191-0b

191-0c

191-0d

191-0e

191-0ea

191-0eb

191-0ec

191-0f
Xigasho:dhoodimeernews.com

Puntlandes.com

About The Author