Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Booqasho ku tagey degmada Xarfo

19 Jan 2016 (Puntlandes) Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Khaliif Maxamed ayaa gaaray Degmada Xarfo ee gobolka Mudug waxaana halkaas ku soo dhaweeyey maamulka degmada xarfo.

9

 

Maamulka degmada ayaa gudoomiyaha iyo xubnahii la socday soo dhaweeyey, Gudoomiyaha ayaa soo dhaweyn ka dib kulan la qaatay maamulka iyo dadweynaha magaalada Xarfo.

Gudoomiyaha ayaa booqday xarumo ay k amid yihiin xarunta maamulka, Saldhiga Booliska, Goobaha caafimaadka wuxuuna dhamaantood ka dhagaystay warbixin buuxda.

Safarkan ayuu Gudoomiyaha Mudug horay u sheegay in uu ku mari doono dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Mudug kana soo aruurin doono xogo wadatashi.

Faafaahinta warkan kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author