PUNTLAND OO SABURKA UUGA DAYANAYSA ANBIYADII ILLAAHAY ISMAACIIL,YACQUUB,IYO YUSUF SCW.

198-7
Midig Suldaankii Hobyo
198-8
Dhexda Boqor Cismaan

Puntland waxaa ku nool dad soomaaliyeed,oo afrikada bari iyo guud ahaan afrika iyo caalamkaba lagayaqaan facyaalo badan.puntland waxaa ka jiray boqortooyo filwayn oo jiilba jiil kasoo dhax layay.waxay lahaayeen ugaasyo,beel daajiyayaal,garaadyo,suldaano lahaa sharaf,dhaqan iyo diin.puntland waxaa ka jiray xiligii gumaysiga reer yurub yimaadeen oo shalay ahayd,ismaamul iyo nidaam taasoo gumaysigu burburinteeda xoog saaray.puntland waxay ahaayeen sida taariikhdu qorayso oo lawada ogyahayba,horseedkii u horeeyay gobonimadoonka soomaaliyeed oo ay ugu danbaysay halgankii dhalinyarada soomaaliyeed ee s.y.l. oo soomaali oo dhaniba aynu kuwada faano.

Puntland umada badan oo isku dayay in ay dalkaan gumaystaan ayay hor istaagtay oo u diiday kana difaacday gayiga soomaaliyeed,arintanina waxay ahayd arin waligeedba soo jireen ah.Puntland xoriyadii iyo dawlad nimadii soomaaliyeed 1960 kii waxay ka qaadatay,qayb wayn oo umada soomaaliyeed si fiican u ogyihiin.maal badan iyo naf intaba waxay u hurtay in aan soomaali shisheeye adoon san oo dhulka soomaaliyeed lahantiyin.waxay marlabaad u horseedeen soomaaliya in ay dawlad dimiqraadi ah oo xisbiyo ah oo xor ah ka shaqayso una dhisto soomaaliya,si markaa soomaaliya u noqoto dal hormar gaara oo leh aqoon,dhaqaale,iyo xadaaro. arintaan putland way ku dadaashay iyadoo intaa lagu waday hagardaamo iyo is hortaag ka imanayay laba meelood oo kala ah sidan.

1.mid ka imanayay gumaystaha,oo adeegsanaya wax ma garato soomaaliyeed oo uu utusayo puntland in ay tahay qabiil,isagoo rabo qaybi oo xukun iticmaarku,qoladani aad bay ula dirireen putland oo soomaali u doonaysay hormar iyo barwaaqo iyo sinaan.

2.Mid la jiifa xiqdi iyo xasad oo ka xun una diidan puntland aqoonta,aqliga,hogaaminta,talada,wadaniyada,soomaali jacaylka,magaca iyo muuqaalka ilaahay siiyay oo xag alle ka xukuman.kani deeqdii alle bixiyay buu ka xunyahay in ay hesho puntland markaa dagaalbuu ku hayaa isagoo og inay yihiin dad wadani ah soomaali ah jecel dadkooda iyo dalkoodaba wanaagna wada ayuu hadana diidayaa xadad fogaaday dartiis.

Siday ku heleen iyo anigu maxaan sidaa u heliwaayay markaan meel iska dhigno,puntland waligeedba dhisid soomaaliyeed,difaaca dalka iyo dadka  iyo dhisid dawlad ku dhisan sinaan iyo cadaalad ayay ka shaqaynaysay sida hadaba ay uga shaqayso,tani waa markaan runta iyo xaqa soomaaliyeey isaga garaabayno.markaan ka soo tago taariikhahaas fog ee aan tan maanta u soolaabto.

197-2a

Puntland burburkii dawladii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay kadib,waxay bilaabeen in markiiba ay baadi gobaan sidii dadka iyo dalkaba loo caymin lahaa,akhyaar iyo odayaal ayaa naftoodii u biimeeyay,qaarbadanina ay ku dhinteen iyagoo baadi goobayo nabad iyo xakamayn dagaalada sokeeye.waxaa intaa u dheer in ay dagaanadoodii ka dhiseen maamul,oo bulshadii dagaanadaas ay usameeyeen,amaan iyo kala danbayn,taasoo sababtay in dadkii helaan,nolol,tacliin mid hoose iyo mid saraba. intaa kuma ekaan ee waxay puntland sii waday baadi goobkii badbaadinta dadka iyo dalka soomaaliyeed ma jirto sida cad ee aynu wada ogsoonahay cid Puntland aan ahayn oo u istaagtay baadi goobkaas soomaaliyeed intay iyadu maamul samaysatay hadana soomaali raadinaysa cid aan ahayn puntland madhicin.cidii taariikhda inkirsan oo ladagaalamaysa iyaday jirtaa dhabtuse waa sidaa.

Puntland oo isleh soomaalidu waa idinla fahmayaan rabitaanka ah in dalka la bad baadiyo ayaa ku martiqaaday gogol nabadeedna u dhigtay dagaankeeda nabada ah umada soomaaliyeed ee walaalaha ah,nasiib daro dadkii koonfurta soomaaliya daganaa mogdisho iyo nawaa xigeeda waxay yiraahdeen oo caalamkii u sheegeen iyo puntlandba ma imayno meeshiina oo reer hebel baatihiin!! iyo intaad xoogaa shilimaan ah ku heli lahaydeen marti galyada iyo magacba waxaa dhanta in aan dalalka dibada siino,bal hada u fiirsada islamarkaana waxa uu rabaa walaalkay in aan dawlad soomaaliyeed wada dhisano! puntland waxay xag u lahayd in ay shirkaa dibada ah oo jabuuti amrkii danbe lagu qabtay inay isaga baaqato oo tiraahdo walaale hadaadan danta soomaalinimo ee inaga wada dhaxaysa rabin hade kuu imanyo ana. markaa waxba ma dheceen shir ahiba.Puntland maadaama ay rabida dadka iyo dalka daacad ka tahay iyo in soomaali aysan kala tagin dadka sidaa u fikirayay way aqbashay oo tanaasushay.

197-2b

Puntland waxay soo jeedisay,in dalku isugu yimaad qaab fadaraal ah,waxay soo jeedisay in cidwaliba kasocoto dagaan si dawlad loo dhiso,waa laga diiday,waxaana layiri dagaal ogayaashii ayaa sooxulaya,iyo odayada qabaailada,xiligaana mogdisho waxaa ka jiray dagaal ogayaal farabadan,puntland waxay tiri war sidani hore inoo wadimayso ee dawladna sidan laguma dhistee walaalayaal kadaaya.waa ladiiday ilaa puntland tanaasushay oo toodii u yeeshay waana tii lagu doortay 2004 cabadullahi yusuf.intaa waxaa lala dagalamayaa fikirka wanaagsan ee anfacaya wadani kasta oo soomaaliyeed si aysan soomaali u helin waligeedba dawlad wanaagsan oo dadka oo dha anfacda iyo hormar.waxaa weeye adoo puntland ah sidee wax u garanaysaa anigu waxaan garan waayay,waxaase fiicnayd waxa aad garan waydo oo walaalkaa garto ayaa kuu ahi adiga iyo isgaba guul iyo hormar.

Puntland ma oran idinkuba dagaankayagii diidee maxaan u aadaynaa MOGDISHO oo hada ah sida aynu wada aragno magaalo beeleed,waliba aan ahayn amaan ee laysku dilayo? way tanaasuleen puntland waxayna mogdisho u hureen maalkoodii naftoodii oo lagu gumaaday wiilashoodii iyaga oo doonayay kaliya in soomaali soo ceshato oo hesho kaladanbayn iyo nidaam iyo dawlad.puntland waxay ahayd dadka kaliya sida ku cad taariikhda ee madaxtooyadii 1991 siyaad bare illaahay ha u naxariistee laga cayrsaday oo ay dagan yihiin beelo kasaaray oo ku sooceliyay sideedii.waxaa yaab ah soomaalidu quudhid xumaa,magaaladaas inaga wada dhaxaysa soomaaliyeey yaa u kacay oo naftiisii iyo dhiigiisiba u huray oo aan ahayn puntland,maanta miyaa xasan fadhiyi lahaa? soomaalidii kale maxaa ku dhacay oo dalka miyaysan wax kalahayn maxaa loogu danqanwaayay,hadiise illaahay puntland garan siiyay kuna beeray wadaniyadaas,maxaa farqaha loo haystaa?

Umad waliba dadkooda firfircoon way taageeraan,oo dhiiri galiyaan oo ku faanaan maxaa idinku dhacay soomaaliyeey,sideed dalkeena la rabtaan?Aduunka ninba meel baa ku fiican yahay waa qayb alle bixiyo puntland maamul iyo hogaan iyo dadka oo la xaq sooro dad iyo dal jacayl waa ku fiican yihiin beeni waa shay xaaran ahee.sow inaad ku faan taan oo talada puntland raacdan ma ahayn,waxaad ku biirin kartaana ku biirisaan?Puntland dhagar iyo hagardaamo joogta ah ayaa lagu hayaa,tanoo sababi karta saan isleeyahay arima kale.

Waxaad ogtihiin diinbaynu leenahay oo waa wada naqaanaaye,Nabiyulaahi ibraahim wiilkiisii ismaaciil ahaa ee curad,oo isna nabi ahaa in uu yiri wiilkaygii yoow waxaan arkay riyo anoo ay amray in aan adiga ku gawroco.wuxuu yiri aabe samee sidii lagu faray idamka alle waxaan ahaan mid saburee. xagii saburkaan wadnaaye Nabiyullaahi yacquub markii wiilashii u dhalay,ka kaxaysteen yuusuf oo uu aad u jeclaa ee uu yiri maandhooyinoow iidaaya gabanka waa intaasoo idinkoo ciyaaraya yeel cuntaaye.odaybuu ahaa ragiisa yaqaan,dhamantoodba nabad galyo iyo naxariis korkooda ha ahaatee,waxaa layiri oday waa sidee xaalkaagu ma anagoo guuta ah ayaa walaalkayo dugaag naga qaadi karaa,hadee haday sidaa tahay  markaa ma nagaaba rag ah kuwo bay oo hoogay saw noqon mayno.odaygii waa ufasax oo yiri wadinkaa kaxeeya walaalkiin hadaba. waatii ceelka lagu riday yuusuf oo marku sigtayba inay dilaan,hayeeshee waxaa lays warsaday odaygii maxaynu uula tagnaa,talo waxaa lagu gooyay in ogdayga khamiiskiisii oo dhiig leh yuusuf ula tagaan iyagoo dhiig u gaadheed soo marmariyay,haduu daymaday odaygu warkiina ka dhagaystay,xaalkiibaa u cadaaday wuxuu yiri waxaad fasheen idinku waxay naftiinu idiin qurxisay,anaiga odayga miyaa! waxaan kaashan sabur isagaa wanaagbadan liibana lagu gaadhaa.Nabiyullaahi yacquub wuu tanaasulay,isagoon,qaylo,habaar,iyo in uu raga iska dhiciyo oo la diriro midna galin. bar dhamaadkiina gushii isagaa helay iyo liibaantii aduun iyo aakhiraba.

Nabiyullaahi yusuf oo ilaahay ka koriyay,qudhi waagii loo quudhi waayay haybada ilaahay siiyay ee u gaarka ah,iyo xasadkii la xasday iyo xiqdiiba,oo haysta xukun boqornimo ahna nabi ilaahay,ayaa waxaa aakhirkii hoos yimid kuwii u diidanaa hayada,sharafka iyo boqornimada illaahay la maagay nabi yuusuf.way dareen sanaayeen in uu ka haybad badan yahay.Nabi yuusuf oo silicii la ogaa soo maray ee naftiisu khatarta gashay markii isagoo ka aarsan kara uu qabtay ragii ceelka ku riday,muxuu sameeyay wuu u tanaasulay,cafis baatihiin buu yiri maanta laga bilaabo ilaahayna waxaan idiin waydiin cafis ee aduunkaan alle isiiyay walaalayaal ku soo dhawaada oo noolaada.intan aan ka soo sheekeeyay si yaroo dul marid ahi waa Nabiyo ilaahay dhamaantood nabad galyo iyo naxariis dushooda ha ahaatee.

     Gunaanad

Puntland oo intaan korku xusnay soomaali ugashay wanaag iyo dawlad nimana la doonaysa,intaasoo tanaasulna samaysay iyo dulqaad waxaad xasuusan in ay dariiqii dadkii wanwanaagsanaa ku taagan yihiin,waxaana hubaa oo wax shaki ah haba yaraatee aana ka qabin in ay liibanayaan aduun iyo aakhiraba maxaa yeelay,dadka iyo dalka oo la jeclaado waa iimanka qayb ka mid ah hadaad wax kasaysaan,puntland waa shacab diinleh leh iimaan.taamacnaheedu waxaa weeye ilaahay ma dayacayo wanaagooda ogaada taas.wax kale meesha mayaalo waa la arkaa in ay sax ku taagan yihiin ee waa la xasdayaa.Puntland taladeeda ah aan wax ku dhisano deegaan ahaan iyo soomaali ahaan oo ah qaranimadii,iyo mayee aan iska dayno soomaalinimada iyo deegaanka dhulka ee aan isku horfariisano qoladee tahay iyo jifadeed ka tahay oo yaan la aaminin waxan ahayn qabiil oo ah soomaalinimo iyo dhul ileen nin qabiil kursi ku fadhiyaa ani ii ma fadhiyo qabiilkiisu u fadhiyaa waayo isku qabiil ma nihin laakiin haduu dagaan ku fadhiyo anagoo kala qabiil ah ayaan hadana dagaanku ku walaalo nahay,soomaalinimada ku walalo nahay anuu ii fadhiyaa,qofkasta oo aqli lihi ama diin ta islaamka haystaa waa arkaa mida fiican.hadaba waxaa la diidayaa xaqa waa la arkaaye waa lugooyo soomaaliyeed iyo cadawnimo ku wajahan guud ahaan soomaali laakiin ay u jeedaan puntland.

Puntland waxaan leeyahay,halays dajiyo uugu horayn,marka labaad waxaad leedihiin laba badood iyo dhul kawayn dawlado badan oo caalamka ka jira.waxaad leedihiin maal dad iyo duunyaba.waxaad samaysaan khariidad cusub oo ah aayaha puntland mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.dhanka sanaag ilgaara halagu eego oo dagmooyinkiisa iyo magaalooyinka u diyaarsan dagma ahaanta hala dhiso,dhanka mudugna sidoo kale kuwa u diyaarsan si dag dag ah haloo siiyo ama gaarsiiyo dagmo sida magaalada cagaaran,magaalada daarasalaam iyo magaalada bursaalax oo dadku sidaa ku calool san yihiin kuna hormarayaan waana khayr iyo hormar puntland sidoo kale guud ahaan deegaanada sool sanaag iyo cayn hala turxan bixiyo hana lataakuleeyo dhan siyaaso,iyo dhaqaalaba.deegaanada bari talada puntland in badan halooga danbeeyo waa dad leh maskax nabadeed iyo fiiro aayaha fog hala tashado.puntland odayaasheeda ruug cadaaga ah siyaasiyiinta ah haloo dhiso guri ay ku kulmaan iyagu leeyihiin ciday doonaan ku casuuntaan sharaf ah oo laga helo iyaga halkaa maxaajira waa loo baahan yahay marwalba taladooda.waxan halkan ku xusayaa geesiga ah xaniinyaha puntland Dr cabdiraxmaan faroole madaxwaynihii hore ee puntland hadna ah aabaha puntland,runtiina ah nin u roon soomaali iyo puntlandba ahna wax garad isagoo kale dalkaba uu ku yar yahay saan ileeyahay,yaan laga agfogaan waa odaygeeniiye taldiisana walaynaan ku khasaarayn. boqor ahaana madax waynihii puntland cade muuse hala dhaqaaleeyo odayga hana laga war hayo,waxaan aad u jeclahay madaxwaynaheenii qaaliga ahaa ruug cadaaya ina qof wax garad yahayna ah wax garad maxamad cabdi xaashi madaxwayhihii hore ee puntland hala dhaqaaleeyo hana laga war hayo waxaan sidan u leeyahay madaxdeenii weeye inoo soo shaqaysay xaqbay inagu leeyihiin waa in guri loo sameeya ah guriga madaxwaynayaasha puntland.

Puntland waa in ay dhaqankeedii dib u baadi goobtaa,gayaanka xagiisana lagu soo xakameeyaa siduu ahaan jiray,qubanaha is dhexdaad san iyo isa soogalka waa in lakala shaan dheeyaa waa in miidii gooni loo saaraa lagu soo celiyaa siday ahaan jirtay.ogoow dadka qaarkii hadaad isla falgashaan fahamkaaga iyo haybadaada iyo sharafkaaga shaqsi ahaaneed iyo firtaada ayuu wax u dhimayaa. sidaas ayaa kufka loo soo dajiyay.Adeer qoys dameer wata iyo midkaloo  markab wayn wata hadee labaduba waa gaadiid,laakiin kala waxtar iyo macaash iyo muunad roon markaa isku kuf maha labadaa qoys hadii midi midka kale gabadh uugu soo geed fadhiisto.Adeer dhaqan baynu leenahay waa in aan dib uugu laabanaa si toobiye cad aan lugta ula helo arinta waa waajib.

Puntland haku toosto dhisida shacabka puntland iyo dalka puntland waxaan dhawri anigu markaa halka ay ku danbayn iyo siday isu maamulaan soomaali,waxan dhawri waxa puntland ay ku qabtay iyo waxa iyada lagu qabay ayaan kala garan doonaa. caadilnimada illaahay iyo xikmadiisa puntland waxa uu hoos teeda seexiyay shidaalka uugu badan geeska afrika kaasoo Dr Gaas saan xogta ku hayno arintiisa uu meel fiican marinayo oo awlaba waxay puntland lasugaysay soomaali oo hal ah oo hal dawlad ku midaysan waxayna diiday puntland awalba wax iyada uun ku saabsan markii reer galbeed usoo jeediyay arimaha shiidalka la xariira,hadana puntland dag dagi mayso laakiin ma garankaro wada loo jeexayo puntland hada waxay noqonayso wax walba waa lafilan karaa.waxaa kale oo khayr soo kordhay ah xiriirka xaga kaluumaysiga ee eithiopia iyo warshadaha.soomaalidana waxaan u rajaynaynaa in ay gurdaan wixii puntland ka hortaagnayd. waxaan u mahad celinayaa go aanka dawlada puntland iyo shacabkeeda ay ku diideen arintii Nabigeeni muxamed caleeyhi salaam nooga digay oo yiri kataga puntland waa aqbashay waana ka tagtay waa mahad sanyihiin. walaalahay soomaaliyeedna waxaan u rajaynayaa inay isaga tagaan waxaa u raaya oo ilahaay inoo diiday sidaas puntland.

Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

About The Author