Farqiga u dhexeeya Puntland iyo Jubaland

Puntland Waa dawlad Jirtey 17  sano, middas oo ay dhisteen dadweynaha dega 5 gobol iyo degmeda Buuhoodle. Waxay ku timid markii laga quustay helid dawlad soomaaliyeed oo loo dhan yahay.  Xildhibaanada waxaa doorta qabaa’ilka dega Puntland, markaas ayey doortaan, Madaxweyne iyo Ku xigeen.

Process:ka Caynkaas ah waxaa isku bedeley shan(5) , Madaxweyne iyo Ku xigeen.  Waxay leedahay Dastuur Dhamaystiran oo lagu ansixiyey matelaad shacab.  Waxay si buuxda gacanta ugu haysaa dhulkeeda, marka laga reebo qaybo ka mida degmeda Laascaanood iyo degmeda Xudun.

Jubaland  waa maamul gobaleed aan weli haysan sharciyad State: nimo. Waxaan weli gacanta ugu jirin gobolka Jubada dhexe oo ay al Shabaab haysato. Inta kale waxaa haya Ciidamo ajnebi ah oo ku hawlgala magaca Amisom. Maamulka waxaa haysta hal shakhsi oo isagu dikreeto ku magacaaba ku xigeenadiisa.

Ma haystaan dastuur iyo dhul ay iyagu si xor ah uga taliyaan?

Marka waxaa khalad weyn oo shacabka Puntland laga gelayo ah in laysu bar bar dhigo labadaan duruufood ee kala duwan  si is le´eg.  Waxaa khalad ah in la yiraahdo Axmed Madoobe waa  geesi  raacay wixii dawladda Federaalku soo go´aamisey. Qaarbaa leh waa hogaamiye, ay isaga talada Jubaland ka go´do, midaaasina waaba run oo Jubaland oo dhamba asaga iyo ciidamada AMISOM bay ku dhisantahay. Halka ay Madaxweyne Gaas ku tilmaameen inuu yahay hogaamiye daciif ah, oo uusan isagu go´aan gaari Karin isagoo aan la tashan shacabkiisa, waana run oo meeshaani waa dawlad gaamurtey oo inta shuruudood aan kor kusoo xusnayba leh , dad, dal iyo dastuur ay iyagu si xor ah u maamulaan.

Markii horeba may ahayn in Puntland, ku milanto oo la maqaam noqoto maamulo aan iyagu lahayn shuruudo maamul iyo kuwo kabasii liita oo gacan ku rimis ah oo aanba meella ka talin.

Hadda  oo la joogana waxaa la gudboon in ay ka tashato aayaheeda, iyadoo qaadanaysa waxa uu u ogolyahay dastuurkeda . Mana ah in inta laga baqo qodob dastuuri ah oo awelba si xor ah loogu qortay dasturka iyadoo la arkay in Xamar wax kasoo socdaa aanay jirin. Waxaa cad in ay maalin kasta dawladda Puntland ku doodo in ay raacayso waxa dastuurku u ogolyahay iyadoo hadana aan fulin ee uun u haysata qodobkaas si gorgortan ah. Waxaan qabaa in la gaaray waqtigii uu fuli lahaa, waana igu raacsan yihiin Dawladda oo war saxaafadeedkoodii ugu danbeeyey sidaas bay ku qoreen, Shacabkuna awalba iyaguu u xayirnaaye mar hore bay hawshooda qabsan lahaayeen. Geesinimo waxaa ah in shacabka lagu hogaamiyo waxay rabaan. Ee ma aha in la raaco oo la daba galo dad aan haysan shacab ay xukumaan iyo iyo dhul ay iyagu ka taliyaan toona.

177c3

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author