Raysul Wasaaraha Xasan Sheekh oo difaacay go’aanlii madaxweynihiisa ka soo baxay

30 Jan2016 (Puntlandes) Kadib marki ay qaadaceen inta badan ummadda Soomaaliyeed oo ay hormuud u tahay Puntland go,aanki kasoo baxay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ee uu kaligiis gaaray oo la xiriiray qaadashada Habka Qabaliga ah ee 4.5.
196-6

Cumar ayaa aad difaacay go’aanka kaligii talisnimo ee madaxweynihiisu ku gaaray, isagoo ku dooday inay Soomaaliya kala tagayso oo ay galayso xasilooni Siyaasadeed haddii aan la qaadan Go’aanka madaxweynihiisa Xasan Sheekh uu kaligiis gaaray, mana uusan sheegin cidda is dilaysa iyo sida lagu kala tagayo haddii la qaadan waayo 4.5.

Wareysi uu Cumar siiyey saakay Laanta Af Soomaaliga ee VOA ayaa wuxuu u ekaa nin aan aqoon waxa uu ka hadlayo, ahna Afhayeen cid kale ka dhex hadlayso ee aan u hadlayn maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Cumar oo wax laga weydiyey diidmada Puntland ay ku diiday natiijada go,aanki Xasan Sheekh ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in aanan la horseedin xasilooni darro dalka ka dhacdo xilligaana aysan muhiim aheyn in dalka awooda lagu qeybsado deegaan.
Qaybta hore ee waraysiga dhagayso


Puntlandes.com
 

About The Author