Sawiro-Faahfaahin: Munaasibad lagu Taageerayey Madaxweyne Gaas loogana Soo Horjeedey 4.5 oo Kadhacday Sweden

30 Jan 2016 (Puntlandes) Magaalada Gotheburg ee wadanka Sweden ayaa waxaa Xalay kadhacay munaasabad ballaaran oo looga soo horjeedey go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh oo ay qaar ka mida beesha caalamkuna ku taageereen, iyagoo doonaya inay dalka dib ugu celiyaan Habka Qabaliga ah ee 4.5.

Dhanka kalena waxaa kulankaani si weyn loogu taageeray tallaabadii geesinimada ahayd ee uu ka qaatay shirkaasi madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo ku dhawaaqay in dalka laqiyaamay aysana aqoonsanayn go’aankaasi.

Munaasabadan ayaa waxaa dhanka khadka telefanka kaga qaybgalay madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas oo sheegay in Puntland aysan aqbali doonin Puntland qaadashada 4.5.

Waxaa kale oo dhanka khadka telefanka kaga qaybgalay Dr Baadiyow oo gudoomiyaha ee Xisbiga Dimoqraadiyadda iyo Cadaaladda, isagoo ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo ku dheeraaday Khatarta uu ku hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Soomaaliya, taasoo ah burbur kala daadin tanta Xasan iyo kooxdiisana ay tahay Dhaqaale urursi. Dr Baadiyow waxaa kasoo horjeestay in Soomaaliya dib loogu celiyo habka Qabaliga ah ee 4.5.

1a
Bidix: Cabirisaaq Waaberi

Waxaa kale oo dadkii ka hadlay Munaasibadda ka mid ahaa Cabirisaaq Waaberi oo Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiyadda iyo Cadaaladda ee Qaarada Yurub isagoo ka hadlay ahmiyada ay leedahay in Soomaaliya ay dhacdo Doorasho xalaal ah.

Gudoomiye Cabirisaaq Waaberi ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Kooxdiisu ay wadanka ku haystaan AFDUUB.

Dr Cabdirisaaq Garwayne oo ka hadlay gabagabadii Munaasabadda ayaa wuxuu uga digay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh  khatarta uu ku sii wado Soomaaliya oo ah kala gayn iyo dagaal Sokeeye.
1

1a

2

2a

3

3a

3a8

4

5

6

7

9

10

11

12

13

20

21
Puntlandes.com

About The Author