AKHRISO: Nuxurka warmurtiyeedkii kulankii IGAD ee Addis Ababa kasoo baxay

Kulan laba maalin socday oo golaha wasiirada arimaha dibada dalalka xubnaha ka ah IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa looga hadlay arimaha Somalia iyo Koonfurta Sudan.Gebagabadii kulanka ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ku dhawaad 30 qodob ka kooban oo khuseeya labada dal.Hadaba waxaan halkan hoose ku soo koobnay nuxurka warmurtiyeedka gaar ahaan qodobada khuseeya Somalia

IMG-20160128-WA0002

1) Goluhu wuxuu soo dhaweeyay balanqaadka DFS in doorashooyinku ku dhacaan xiligii loo qabtay

2)Goluhu wuxuu taageeray go’aankii DFS ka soo saartay nooca doorasho ee lagu saleynayo doorashada Somalia daba yaaqada sanadkan iyadoo dalalka IGAD iyo Beesha caalamka laga codsaday in laga hortago qaswadayaasha caqabada ku ah horusocodka  Siyaasada iy amniga Somalia

3)Goluhu wuxuu go’aan ku gaaray in gudi ka kooban Golaha wasiirada IGAD oo ay Gudoominayso Itoobiya ay ka caawiyaan DFS dhaqan gelinta go’aankii kasoo baxay DFS.

4) Goluhu wuxuu DFS ugu baaqay inay dedajiso dhismaha maamul goboleedka Shabeelada dhexe iyo Hiiraan iyo wadahadalada usocda Galmudug iyo Ahlu sunna

5) Goluhu wuxuu bogaadiyay balan qaadka ,dedaalka joogtada ah iyo dhiiranaanta AMISOM iyo SNA iyadoo goluhu cambaareeyay weerarkii Ceelcade.

6) Wuxuu soo dhaweeyay balan qaadka Jabuuti ee ah inay martigelinayso kulanka dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia ee Bisha February ka dhici doona Jabuuti kaasoo dib  loogu eegi doono hawlgalka AMISOM.

7) Wuxuu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee xafiiska IGAD ee Somalia ka qaadanayo arimaha amniga ,dib uheshiisiinta iyo dhaqan gelinta hiigsiga DFS ee  2016

8)Goluhu wuxuu soo jeediyay in kulan madaxeedka soo socda  ee dalalka IGAD lagu qabto Muqdisho

About The Author