Daawo Video: Gud. G. Mudug “Waxaan rabaa Gobolka oo dhan .. inuu noqdo Gobol wada shaqaynaya “

31 Jan 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka  Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) oo maanta ka hadlay Munaasibad ay Xilka kula kala wareegayeen Xoghayihii hore ee Degmada Gaalkacyo iyo Xoghayaha cusub ayaa waxa uu sheegay hadal soo jiitay dhamaan Shacabka Gobolka Mudug isagoo ka hadlay inuu ka shaqaynayo sidii ay dhamaan hay’adaha dawladda ee Gobolka Mudug u wada shaqayn lahayeen wuxuuna yiri “Waxaan rabaa Gobolka oo dhan .. inuu noqdo Gobol wada shaqaynaya ”
200-1

Gudoomiye Xasan Abgaaloow ayaa isagoo adkaynaya muhiimada ay wada shaqayntu leedahay waxa uu yiri  “..laakiin Gobol aan wada shaqaynayn oo Hawl gab ah, hadda Gobol ma noqon karo Horumarna laguma gaari karo, Amnina lagama Shaqayn karo, Gobolka oo dhan waxaan rabaa inuu wada Shaqeeyo”

Gobolka Mudug ayaan waxaan ka jirin dawladnimo shaqaysa magac maahee tan iyo markii Puntland la aasaasay 1998dii, iyadoo ay ugu wacnayd wada shaqayn la’aan iyo Shaqsiyaad ay talada Gobolku gacantooda si qaldan ugu jirtay.

Iminka ayaa Shacabka Gobolka Mudug waa usoo nuuraya Naacaw dawladnimo iyagoo Cagta saari doona wadada Horumarka iyo isku duubnida.

Dhanka kale Xoghayaha cusub ee Degmada Gaalkacyo ayaa khudbadiisii uu xilka kula wareegay ka sheegay inay Degmada Gaalkacyo ka socoto “DEGMADA WAXAA KA SOCDA AAN GADAAL UGU CELINO DADKII CANSHUURTA LAGA SOO QAADAY” tani waa GUUL u soo hoyatay reer Gaalkacyood oo Canshuurtooda ay iska Cuni jireen Shaqsiyaad kooban oo ma naxayaal ah.

Puntlandes.com

About The Author