Dibad bax Rabshado wata oo Boosaaso ka socda Khasaro dhimashay & Waxgarad ka hadlay

1 Feb 2016 (Puntlandes) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in maanta ay ka dhacday dibad bax wata rabshado, oo sababay  khasaare dhimasho iyo dhaawac.

200-6a

In kastoo aysan war rasmi ah soo gaarin Warbaahinta Puntlandes ayaa waxaa jira warar horhdac ah oo shegeaya in hal ruux uu dhintay, dhanka kalena waxaa dhawwacyo qaba dad kala duwan.

Dibad baxan Rabshadaha wata ayaa lagu sheegay mid looga soo horjeedo cadaalad daro laga tirsanayo Dawladda Puntland, waxaana dhanka kale jira dad leh dano siyaasadeed oo qayb ka ah kacdoonkaan kuwaas oo dabada ka riixaya.

Dhanka kale waxgaradka Puntland ayaa dhaliilay dibad baxii maanta  ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland kaas oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana arrimahaas ka hadlay Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid iyo Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoon Xarago.

Dhagayso Garaad Ciid & Nabadoon Xarago


Shacabka Gobolka Bari

Waxaa loo baahan yahay in la xakameeyo xaalada Bosaso, maadaama aysan jirin cid ku macaashaysa Amni xumo iyo dhibaato laga abuuro magaaladaas camiran oo uu Horumarka ka socdo.

Siyaasi Fashilmay oo dan gaar wata maaha in shacabku ay u dhaga nuglaadaan oo uu kiciyo, iyadoo ay taas Puntland ka jiri jirin ay y´tahay sababta ay ku jirtay maxaa yeelay dadkeeda ayaa wada ilaashan jiray.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Galan

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Galan waxaa ficaan in la waydiiyo waxa uu Reer Bari u qabtay 6dii sano uu Xilka hayey, maaha in loo dhago nuglaado Qandaraas ay Villa Somaliya kasoo qaateen Shakhsiyaad uu ka mid yahay Galan.

Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne shacabka waxaa loo bahan yahay in aad qanciso oo wixii aad wax ka qaban kartidna ka qabato wixii aadan wax ka qaban karina ka Qanciso Shacabkaaga.

Xilkana waa in aad ka qaado Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bari adoo eegaya isagoo Xilkiisa dayacay.

Nabadgalyada Bosaso

dawladda ayey waaji´b saaran tahay inay Gacan bir ah ku qabato Amniga Bosaso wixii Caeqaladaynaya ay ka qabato magaalada, iyadoo ay barbar socoto in laga qanciyo Shacabka wax tabanaya.

 

 

 

 

About The Author