Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo ku guulaystay inuu daadiyo Dhiiga Shacanka reer Puntland

2 Feb 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa wuxuu ku guulaystay Riyadiisii ahaa inuu daadiyo Dhiiga Shacanka reer Puntland, ka abuurana Puntland xasilooni daro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu Qandaraas uu ku bixiyey dhaqaale farabadn soo siiyey Gudoomiyoihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan, si uu ugabuuro Puntland Colaad, Barakac iyo Bur bur.

2040

Dabkaas uu Xasan Sheekh Sheekh shiday ilaa hada waxaa ku dhintay Nin sargaal caan ahaa oo la oran jiray Cabdi,  nin ganacsade Caan ah ahaa oo la oran jiray Xirso Aduunyo iyo gabar, iyadoo  dhaawac dadeed iyo Bur bur Hantiyadeed uu jiro. Horay ayuu madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu colaad uga huriyey magaalada Gaalkacyo, isagoo ku guulaysan waayey iminkana waxaa uu Fidno iyo iska horkeen kadaa Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Shacabka reer Puntland Isku duubni iyo nabad

Shacabka reer Puntland ayaan waxaan ugu baaqaynaa hadaanu nahay bahda Warbaahinta Puntlandes Isku duubni iyo nabadgalaya ka shaqeeyaan. Waxaana Xusuusinaynaa in Caawo Qofka kaliya ee faraxsan uu yahay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo fidnadan u soo dhiibay Gudoomiyoihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan, isagoo Xasan isleh waa dhawdahay guushii aad uga takhalusi lahayd Puntland.

169

Shacabka reer Puntland waa dad Xadaarad sareeya in la isku adeegsado oo la isku diro kadibna lagu qoslo, arintaas oo in yar iyo wayn laga hortagaa meelna looga soo wada jeestaa.

Puntlandes.com

About The Author