Faahfaahin: Dilkii ganacsade Xirsi Aduunyo lagu dilay Bosaso

2 Feb 2016 (Puntlandes) Magaalada Bosaso ayaa sidii aan ku sheegay warkii hore waxaa caawa lagu diley ganacsade Xirsi Adam (Xirsi Aduunyo) oo kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee magaalada Bosaso.

Ganacsade Xirsi Aduunyo ayaa waxaa lagu dilay xaruntiisa ganacsi ee Hubaal oo ku taala koonfurta magaalada Bosaso gaar ahaan waddada looga baxo Bosaaso ee laamiga ah.

 203-6

Xirsi Aduunyo ayaa wuxuu Shirkada Hubaal isagoo ka ganacsan jirey Shidaalka, waxaana uu kamid ahaa ganacsatada soo dejisa Shidaalka, Waxa uu lahaa Xarunta Shidaalka ee Hubaal, Sidoo kale dhawaan waxa uu banaanka magaalada Bosaso ka dhisey Wershad Biyaha safaysa oo la yiraahdo Hubaal Water iyo waliba faracyo badan oo hoos yimaada Shirkada Hubaal.

Ganacsade Xirsi Aduunyo ayaa todobaadyo ka hor kooxo dhalinyaro ah ku handadeen gudaha magaalada Bosaaso, iyagoo ka qaatay wixii uu gacanta ku watey una hanjabay.

Dilka Ganacsade Xirsi Aduunyo ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalintii shalay magaalada Bosaso ka dhaceen Rabshado, ayna dawlada Puntland ku eedeeysay in uu soo abaabuley Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari oo isagu hadda ku jira dhuumasho, kadib markii la amray in lasoo qabto.

Shacabaka reer Puntland gaar ahaan kuwa Bosaso waa inay u istaagaan ka shaqaynta nabada iyo midnimada dadka walaalaha ah ee reer Puntland arintana waa in la xakameeyaa oo aqligu shaqeeyaa.

Puntlandes.com

About The Author