Dhegayso: Culimada Puntland ”Kuwa Ganacsade Xirsi dilay waa Cadawga dalka oo Bosaso Horumarkeeda kasoo horjeeda”

3 Feb 2016 (Puntlandes) Waxaa Maanta Qabuuraha Boosaaso lagu aasay Alle ha u naxariistee Ganacsade Xirsi Aadan Galaf (Xirsi adduunyo ) oo xalay Dabley hubaysan ku dileen isagoo Xaruntiisa Ganacsiga ee magaalada Boosaaso Gobolka Bari.

203-6

Aaska ayaa waxaana ka qaybgalay masuuliyiin ka socota Dawladda Puntland, Ganacsato, Odayaal dhaqan iyo qaybaha kale ee Bulshada Boosaaso.

Shiikh Daahir Aw Cabdi oo ka mud ah Culimada sida wayn looga yaqaan Puntland ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in amaanka la ilaaliyo, waxaana uu sheegay sidoo kale in kuwa dilay ganacsadaha aay yihiin kuwo nabada iyo horumarka Gobolka Bari kasoo horjeeda.

Shiikh Daahir ayaa sheegay in la adkeeyo midnimada, waxaana uu sheegay in maanta aysan xaq ahayn in la laayo dadkii ganacsata ahaa ee dalka u samray oo Boosaaso ka dhigay maanta siday tahay.

Dhegayso Khudbadaha Shiikh Shiikh Daahir Aw Cabdi


Puntlandes.com

About The Author