Duulimaadyadii caalamiga ahaa oo maanta aan imaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

3 Feb 2016 (Puntlandes) Duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee maalin walba imaan jiray Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa maanta aan iman, kadib shilkii shalay ku dhacay Diyaaraddii Daallo Airline oo deg deg ugu soo laabatay garoonka, markii uu dhaawac soo gaaray.

201-2

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradihii maalinlaha ahaa aanay maanta ka soo degin Garoonka, sida Diyaarada Turkish Airways oo todobaadkiiba Muqdisho imaan jirtay 4 illaa 5 jeer.

Diyaaradda Turkish Airways ayaa labadii maalmood ee u dambeysay imaan garoonka Muqdisho, sababo aan la sheegin, waxaana rakaabkii shalay saarnaa Diyaaraddii Daallo Airline ay ugu geyn laheyd dalka Jabuuti, halkaasoo ay ka sii qaadi laheyd.

Sidoo kale ma jirin duulimaadyadii sida caadiga ah u tagi jiray dalalka deriska oo ka baxay garoonka Muqdisho, balse waxaa jiray diyaarado kooban oo ka yimid Nairobi, sida diyaaraddaha Qaadka keena Muqdisho. Garoonka ayaa waxaa ka soo degay diyaarado gudaha ah, sida diyaarada Jubba Airways oo Rakaab ka keentay Hargeysa.

Puntlandes.com

 

About The Author