Sawiro: Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Daawo u Dirtay 20 Xarumood

4 Feb 2016 (Puntlandes) Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa dawooyin ay dowladda Sucuudigu ku taageertay Puntland, waxay ku wareejiyeen ilaa 20 xarumood oo kamid ah kuwa Caafimaadka ee Gobolada kala duwan ee Puntland.

Cabdirisaaq xirsi Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in dawadaani ay kooban tahay dawooyinka xiligaan aadka loogu bahan yahay, wuxuuna intaas ku daray inay gaarsiin doonaan goobaha loogu talagalay.

Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise oo ka hadlayey qaybinta dawadaani ayaa sheegay in deeqdan ay wax badan ka badali doonto baahiyaha dhanka dowooyinka ee xiligaan ee kajira Puntland, wuxuuna xarumaha ku booriyey in sidii loogu talagalay adeegaan bulshada ugaarsiiyaan.

12647474_10201209670639097_5701308791714623703_n-1 12650785_10201209671719124_7414665887187459873_n 12654171_10201209673759175_79198489724199671_n 12654212_10201209671999131_1381952776267127271_n 12654521_10201209670919104_2059005077520837288_n 12670135_10201209673519169_8208055594130105542_n 12670322_10201209672319139_4246038992459954983_n 12670466_10201209671359115_2292093964982197793_n a11cbe6418f94ceeb3da8f588e306113_18

About The Author