Faahfahin-Dhagayso: Kooxda Alshabaab oo la wareegtay magaalada Marka kadib makii AMISOM ka baxday

5 Feb (Puntlandes) Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, saacado kadib markii ciidamadii DFS iyo kuwa AMISOM isaga baxeen..

205.11

Goob joogayaal ku sugan Marka oo ay la PES la xiriirtsy ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab la wareegeen, ayna ka taageen calankooda.

Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku lahaa deegaanka Ceel-Jaalle ayaa xalay ilaa saakay ka baxayay saldhigaas, waxaana ay u ruuqaansadeen dhanka deegaanka Shalanbood oo ilaa 15-KM u jira Marka.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sanadkii 2012 la wareegay magaalada Marka oo ay ku taallo deked istiraatiiji ah, waxayna ka mid aheyd magaalooyinkii gacantooda ka baxay xilligaas.

Magaalada Marka ayaa Muqdisho dhanka koofur galbeed ka xigta illaa 100KM, dhanka laamiga ee wareega ah, halka dhanka xeebta ay u jirto illaa 70-KM. AMISOM ayaa waxay Beenisay inay Kooxda Alshabaab la wareegtay magaalada Marka iyadoo ku sheegtay inay wado wax ay ugu yeereen “Xeelad Dagaal”
Dhagayso VOA oo waraysatay afhayeenka gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiino


Puntlandes.com

About The Author