Daawo Video: Hay’ada Wadooyinka Puntland iyo Gudiga Samaynta Waddada Wadaagsin oo Maanta Gaalkacyo ku so Bandhigay Qaab-qorsheedka Dhamaystirka Waddada

Gudiga Taakulaynta iyo Aruurinta Tabrucaada Wadada Wadaagsine e isku Xirta Deegaanada Garacad iyo Galdogob ayaa Maanta so Bandhigay Qabqorsheedkii lo lo maamulay Lacagihii ay Dadku ay u so direen wadada Wadaagsin.

Waxaa sidoo kale Gudigu uu Warbixin ka siiyay Warbaahinta Halka ay Marayo, Shaqada Wadada iyo Xiliga Rasmiga ah ee la dhamaystirodoono wadadaasi.

206

Agaasimaha Hay’ada Wadooyinka Puntland Eng Maxamuud C/nuur Aadan ayaa sheegay in 21 KM oo ka mid ah Wadada wadaagsin la sameeyay,18 km oo kalana Waxa uu sheegay in lugu sameeyay Gacantii koobaad,Gacanta labaadna lugu Hagaajindoono Qalabka Birta culus ah oo dhawaan ay Hay.ada Wadooyinka Puntland Dalka Dibadiisa ka so iibsatay.

Nabadoon C/siis ow yuusuf Xaarin Iyo m Ganacsade Cumer C/dille (Cumer Dheere) oo ka mid ah Gudiga Uruurinta Tabrucada Wadada Waadgsin ayaa sheegay in sii dardargalindoonan Dhamaystirka Wadada Wadaagsin,waxayna jaaliyada ugu baaqen inay qaybtooda ka so qaatan.

ugu Danbaytii Gudoomiyaha Gobalka Mudug Xassan Maxamed Khaliif,oo so xiray kulanka lugu so bandhigayay Qorshada Samaynta Wadagsin ayaa tilmaamay in wadadan ay ka mid tahay kaabayaasha dhaqaale ee Gobalka mudug

206

206-1

 

206-2

206-3

About The Author