Sawiro-dhagayso: Madaxweyne Gaas oo ugu baaqay Beesha Caalamka in ay Puntland ka caawiyaan Abaaraha

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05-Feb-2016 kulan kula qaatay  xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe  in kabadan 30 hay’adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxalli ah kuwaas oo dhammaantood ka hawl-gala Puntland.

Madaxweynaha ayaa hay’adahaasi waxaa uu kala hadlay xaaladda abaaraha ee kajirta Puntland iyo sidii wax looga qaban lahaa maadaama uu jiro dhaqaale badan oo magaca soomaaliya lagu soo qaadoo kaas oo lasoo marsiiyo hay’adaha gar-gaarka balse aan intiisa badan dhaqaalahaasi lagu bixin meelihii loogu talo galay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo dhammaaday kulankaasi waxaa uu shirjaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland waxaana uu baaq u diray Waddamada Deeqda bixiya  iyo hay’adaha Caalamiga ah in ay gacan ka geystaan abaaraha kajira Puntland maadaama ay yihii abaaraasi  kuwo ka awood badan Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale sheegay in waqti xaadirkan Puntland ay abaaro ka jiraan isla markaasna la-lafilayo in ay  abaaro cusubi kusoo wajahan yihiin  Puntland sida ay sheegtay hay’adda Puntland u qaabilsan ka hor-tagga Masiibooyinka ee HADMA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo qaybo kamid ah Sool ay yihiin meelaha ugu daran ee ay abaarahaasi saameeyeen welibana ay kamid yihiin dhulka lafilayo in ay kusoo wajahan yihiin abaarahaasi.

Madaxweyne Dr.Cabdiweli ayaa tilmaamay baaxadda ay yeelan doonto abaaraha lafilayo in ay Puntland kusoo wajahan yihiin sida ay sheegtay hay’adda HADMA ay yihiin kuwo ka-xun abaarihii hore u jiri jiey isla markaasna loo baahan yahay Dawladda Puntland in laga Caawiyo.

“waxa la-sheegay in %65 dhulka daaqsinta ah abaartaasi ay saamaynayso, halka %70 xoolaha  Puntland ay abaartaasi saamayn doonto, waxa kaloo lasheegay in 213,000(labo boqo saddex iyo toban kun) oo qof oo u dhiganta 1.2(hal milyan iyo 200) oo qof oo kamid ah dadka reer miyiga ah ee Puntland in ay dhibaato u geysan doonto abaartaasi”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

“anaga ka xukuumad ahaan waxaa naga saaran waajib Diini ah iyo mid Dawli ah, welibana aanu lahaano qorshe ku aaddan abaarta, laakiin waxaan ogahay in ay naga awood badan doonto oo dawladda Puntland aysan oo awood u lahayn in keligeed ay xaaladaasi  wax kaqabato”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Ugu Dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa eebbe uga baryey shacabka Puntland in uu ka dulqaado abaarta iyo dhibaatada saamaysay isla markaana uu ugu beddelo raxmaad khayr qaba oo ka samata bixiya abaaraha  aafeyey Puntland.

IMG_2738IMG_2742IMG_2744IMG_2752IMG_2759IMG_2787IMG_2792IMG_2813IMG_2821

About The Author