Daawo-Sawiro: Maamulka Mashruuca Horumarinta Bursaalax oo ka Shiray Dar-dar gelinta Hawlaha Mashuuraca & u diyaargarawga Furitaanka

5 Feb 2016 (Puntlandes) Waxaa  Galabta oo Jimce ah  05/02/2016 ka dhacay Xaafiiska Maamulka Mashruuca Mashruuca Horumarinta Bursaalax Shirkii Maamulka iyo Waaxyaha, kaasoo ujeedadiisu ay ahayd dardargelinta shaqooyinka guud ee Mashruuca.

Shirkan ayaa waxa uu qayb ka ahaa u diyaar garawga Furitaanka Teeramkii labaad ee sanad dugsiyeedka 2015 illaa 2016 oo Qorshaysan inuu si rasmi ah  beri subax u Furmo.

Shirka ayaa waxaa Gudoominayey Maareeyaha Guud ee Mashuura Horumarinta Bursaalax Cabdirashiid Faarax Geelle waxaana la isku raacay in la laba jibbaaro hawlaha Mashruuca.

Maareeyaha Mashruuca ayaa sheegay mar uu Saxaafada la hadlay in shrka Maamulka Mashruucu uu si Guul uu kusoo dhamaday, ujeedadu Shirkuna ay ahayd dardar galinta shaqooyinka kala gadisan ee Mashruucu uu Bulshada u hayo.

Dhanka kale Maareeyaha Mashruuca  ayaa waxa uu ku Booriyey maamulayaasha Waaxyaha kala duewan ee Mashruuca in  tayada shaqada loo hayo Bulshada kor loo qaado.

Ugu Dambayntii Maareeyaha Mashruuca ayaa u mahadcelinayey Madaxda Waaxyaha Shaqada fiican ee ay Bulshada Bursaalax ee Nawaaxigeeda u hayaan.

Oraahdan ama halku dhega Maamulka Mashruuca ee afarta bilood ee socota ”waa ninki seexda sici dibi dhalay”

Mashuura Horumarinta Bursaalax ayaa maamula Dugsiga sare ee Burar, Dugsiga hoose dhexe ee Cirro, Ceelasha biyaha, Beer wayn, Iskuulka Farsamada Gacanta, Koleej/Boodhin, Isbitaal wayn, Waaxda Arrimaha Diinta iyo Masaajidka.

Maamulka Mashuuraca Horumarinta Bursaalax ayaa waxay Iskuulka Hoose Dhexe ee Cirro ku sameeyey Dayactir ballaran, kaasoo wax wayn ka bedelay Qaab dhismeedkii Iskuulka iyo bilicdiisaba.

8Sawirka Kkore: Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo 3 sep 2015 Booqasho ku tagay Mashruuca Horumarinta Bursaalax aadna ula dhacy Isku Tashiga & shaqada ka socota Mashruuca

Ardayda Dhigata ayaa iminka ku maqan Fasax, iyadoo qaybtii koowaad ee Dayactirku uu dhamaatay, laguna gudo jiro qaybtii u dambaysay.

Mashuura Horumarinta Bursaalax ayaa waxaa wax ka barata Arday kor u dhaafaysa  1500 Arday oo kala dhigta:

  • Dugsiga hoose dhexe ee Cirro
  • Dugsiga sare ee Burar
  • Wabarashada dadka waawayn iyo Farsamada gacanta

Xaawo Cilmi Warsame oo Buraanbur ku saabsan Dugsiga Hoose Dhexe ee Cirro ka akhrinaysa xafladdii furitaanka Dugsiga

1

2

3

4

5

6

7
Puntlandes.com

About The Author