Sawiro: Al Shabaab oo Calankooda ka taagay Xarumihii DFS iyo AMISOM kadib markii ay si sahlan kula wareegeen Shalay

6 Feb 2016 (Puntlandes) AlShabaab ayaa shalay la wareegtay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoode , kadib markii ay halkaasi isaga baxeen Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, oo halkaas ku sugnaa ilaa 2012kii.

Xarumihii DFS ee Magaalada Marka ayaa waxaa la wareegay Kooxda AlShabaab, waxaana xarumahaasi laga taagay Calanka madow ee astaanta u ah Kooxda AlShabaab.

Shacabka magaalada Marka ayaa waxay ka sammeeyeen shalay magaalada banaanbaxyo ay kusoo dhaweenayaan Kooxda AlShabaab ee la wareegay magaaladaasi, waxaana inta badan magaalada lagu dhax arkayaa dagaalyahano afka soo xirtay oo magaalada Roondeenaya.

DFS iyo madaxda Midowga Afrika ee AMISOM ayaan wali si rasmi ah uga hadlin sababta keentay in ay si sahal ah uga baxaan magaalada Marka oo ah xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sanadkii 2012 la wareegay magaalada Marka oo ay ku taallo deked istiraatiiji ah, waxayna ka mid aheyd magaalooyinkii gacantooda ka baxay xilligaas.

Magaalada Marka ayaa Muqdisho dhanka koofur galbeed ka xigta illaa 100KM, dhanka laamiga ee wareega ah, halka dhanka xeebta ay u jirto illaa 70-KM.











 

About The Author