Daawo Video-Dhagayso: Shir looga hadlay ammaanka oo ka dhacay magaalada Boosaaso

6 Feb 2016 (Puntlandes) Shir ballaaran oo looga hadlay ammaanka magaalada Bosaso ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda amniga ee Boosaaso.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayey Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, iyadoo ay shirka kala qeybgaleen Saraakiisha ciidamada , maamulka Gobolka Bari waxaana diiradda lagu saaray xaaladihii amni ee magaaladda Bosaso muddooyinkii u danbeeyeyka dhacay.

201-5

Wasiir Qarjab oo Saxaafadda shir Jaraa’id u qabtay shirkooda ka dib ayaa yiri  “Kiiskii Bosaso ka dhacay salkiisa in hay’adaha sharcigu raadiyaan cid walba , waxay gashay lagu cadeeyo oo dhinaca khaldan loo turjumin oo ah reer hebel buu ahaa , xaguu ahaa“

Wasiirka ayaa hadalkii sii raacshay ”wiil iyo aabihii hadey danbi galaan ku cadaadaan iyaga danbi lagu fulin doono, cid aan kiis gelina lagu marmarin , cidii kiiskaas gashayna abuuritaankiisa meeshu ka bilowday cidii sameysay oo dhameystiran cadaalada la horgeynayo“

Dhagayso Wasiir Qarjab


Puntlandes.com

About The Author