Mooshin ay Xildhibaano mar kale ka keeneen Madaxweynaha DFS

8 Feb 2016 (Puntlandes) qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo  gaaraya 54 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh, waxayna ku eedeeyeen in uu marar badan jabiyey Dasruurka dalka u yaala.

IMG-20160128-WA0002

Mooshinkan ayaa Xildhibaanadu maanta u gudbiyeen shirguddoonka Baarlamaanka. Fadhi ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka DFSA Maxamede Shiikh Cismaan Jawaari sheegey in uu gacanta ku hayo Mooshin ay saxiixeen Xildhibaano ka badan 50, Jawaari ayaa sheegay in maalmaha soo socda la horkeeni doono baarlamaanka Mooshinkaas.

Marar badan oo hore oo Xildhibaano ay Madaxweynaha ka keeneen Mooshin ayaa socon waayey, waxaana Mooshinadaas uu madaweynuhu ka takhalusay iyaga oo aan gaarin ka doodid

Puntlandes

About The Author