Dhagayso: Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ku Baaqay in la BEDELO Michael Keeting

13 Feb 2016 (Puntlandes) Garaad Cabdulaahi Cali oo kamid ah Isimada Puntland ahmna Afhayeenka Isimada Puntland ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in xilka laga qaado Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

207-8
Garaad Ciid ayaa tilmaamay in Amb Keating iyo Dowladdiisa Ingiriisku aysan dhex-dhexaad ka ahayn arimaha Soomaaliya waxaana uu ku eedeeyey Keating in uu kala Qaybinayo Soomaaliya, isla markaasna uusan soo wadin wanaag.

Garaadka yaa ka Codsaday Beesha Caalamka inay si deg deg ah u bedesho, isagoo intaas kusii daray inuu matalo Mr Keating dawladiisa Ingiriiska.

Dhagayso Garaadka oo uu Radio Daljir waraystay


Puntlandes.com

About The Author