Meydadka dhalinyaro Soomaali Tahriibayaal ahaa oo Aas loogu sameeyay Talyaaniga

14 Feb 2016 (Puntlandes) Meydadka dhalinyaro Soomaali oo ahaa Tahriibayaal ku Harqaday Badda dalka Talyaaniga ayaa hab maamuus aas wadareed ah loogu sameeyay dalka Talyaaniga.

Meydadkan ayaa badda soo tuftay, kadib markii todobaadkii hore doontii ay la socdeen ku degtay agagaarka Xeebaha Talyaaniga. Meydadkan oo ahaa illaa 13 meyd ayaa waxaa Aaska loo sameeyay ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga iyo Mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa si aad ah u tabinayay aaskan oo si aad ah loo diyaariyay, iyadoo ubax la saaray naxashka meydadka, waxaana Mas’uuliyiinta Safaaradda Talyaaniga ay sheegeen in aas qaran loo sameeyay, maadaama ay ahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Xilligan oo lagu jiro qaboobaha ayaa Badda Mediterreanka waxaa adag in doomaha ka sameysan bacaha ay ka gudbaan, waxaana Badda mararka qaar ay isu bedeshaa sidii Baraf oo kale.

Soomaalida ayaa sanadadii u dambeeyey waxay ki le’anayeen Xeebaha dalka Talyaaniga iyo kuwa Afrikada Waqooyi.

meyd-aas (1)meyd-aas (2)meyd-aas (3)

About The Author