Daawo Sawiro: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo Garowe u ambabaxay

14 Feb 2016 (Puntlandes)  Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/GUUTO Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud ayaa waxa uu maanta Safar ugu baxay Magaalada Garoowe waxa uuna ka ambabaxay magaalada Boosaso oo uu Khamiistii 11/2/2016 ka soo dagay isagoo dalka dibadiisa Safar Shaqo Ugu Maqnaa.

Taliyaha ayaa waxa uu ku hakaday Kuliyada Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ee CARMO, waxaana ugu horreyn Salaan sharaf Taliyuhu ka qaatay Kooxda Baambeyda ee Ciidanka Booliska Puntland, ka dibna waxa uu halkaas kula kulmay oo halkaasi ku soo dhaweeyey Madaxda Kuliyada, waxaana Taliyuhu la kulmay qaar ka mid ah Dufcadii labaad ee Ciidanka Booliska Puntland oo Kuliyadaasi lagu Tababarayey iyo waliba Macalimiinta iyo Saraakiisha Kuliyadaasi,

Waxaa ugu horeyn kulankaas ka hadlay Taliyaha Kuliyada CARMO G/dhexe Muuse Axmed Cabdiraxaan (Muuse Xasaasi) xogwaran ka dib waxa uu ku soo dhaweeyey haldalka Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, waxaana Taliyuhu uga waramay Ciidanka Safarkiisii iyo waxyaalaha uu kala soo kulmay waxa uuna sheegay in uu Safrkiisu guulo ku soo dhamaaday.

Intaas ka dibna wax uu Taliyuhu usoo ambabaxay Magaalada Garoowe Inta uusan Kuliyada ka soo bixin waxaa salaan sharaf sagootin ah ka qaatay Taliyaha Kooxda Baambeyda ee Ciidanka Booliska Puntland Salaan sharaftaas ka dib Taliyuhu waxa uu u ambabaxay Madaagalada Garoowe ee Caasumada Dawlada Puntland
1

2

3

4

5

6

7

8

10

11

12

13

14

15

16

17
Puntlandes.com

About The Author