Maqaal: Shacbiga Puntland oo isugu hambalyeeyey meel kasta oo ay ka joogaan dunida Diidmada 4.5 ee ay Beesha Caalamku kala kulantay

Shacbiga Puntland meel kasta oo ay ka joogaan dunida waxay isugu hambalyeeyeen  isuguna bogaadinayaan beesha caalamba wixii ay kala kulantay magaala madaxda Dowlada Puntland gaar ahaan Qasriga madaxtooyada puntland mudadii seddexda maalmood ahayd oo ay joogeen.

169c

Keating isagoo warmaqabto dheg keliya wax ka maqla ah xambaarsana 4.5 ayuu soo cagadhigtay arlada reer Puntland.

Michel Keating wuxuu kalsooni weyn ku qabay  in shirarka uu la qaadan doono Xukuumada Puntland ,Golaha Shacbiga Puntland,Issimada reer Puntland,siyaasiyiinta reer Puntland iyo ururada bulshada ee reer Puntland in uu ka dhex heli doono kuwo u adeega danaha shisheeye kana soo horjeeda danaha ummadda reer Puntland ee Xalaasha ah.Wuxuu dhowrayey sida lagu soo wargeliyeyba mucaarad badan oo ka soo horjeeda go-aankii uu ku diidey Madaxweynaha Reer Puntland Rabbi ha xafidee qaadashada 4.5. Wuxuu dhowrayey in uu la kulmo mucaarad badan oo ka soo horjeeda hogaanka iyo go-aamada Madaxweyne Allaha xafidee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.Fikirkaas qaloocan oo aan aragtiga fog ku saleysneyn waxaa la qabey qolyooyinka daneystayaasha ah oo aan u diir naxeyn Ummadda Soomaaliyeed ee u ololeynaya 4.5.Saacadba saacada ka dambeysa isagoo quusan la yuu filayey in mar un la kulmo mucaarad xiiqsan ee afka ka abruniya oo muujiya go-aankii uu madaxweynaha ku laalay 4.5 keli ku yahay.

Keatin iyo intii la soco waxay ku soo dhex dhaceen ummad masiirka reer Puntland uu kala weyn yahay danta gaar ahaaneed,ummad toodii daryeeshay ee u doodaya masiirka Ummada Soomaaliyeed,waxay la kulmeen ummad madaxweynahooda illaa gadha yare e dugsiga hoose wax ka barata ay isku duuban yihiin,waxay la kulmeen ummad Dowladooda iyo mucaaradkooda masiirka reer Puntland isku si u wada daafacaya oo aan laheyn dusmooyin laga soo xaluusho oo lagu kala furo,waxay la kulmeen ummad dulmi iyo quursiba diidey una diyaar ah in ay u dhintaan qadiyadooda.

Aragtidii qaldaneyd ee lagu yimid Puntland  haddey beenoowdey ee soo baxday xaqiiqada dhabta ah ee geyigaasi ka jirta ma laga yaabaa Mr. Keating beentii uu u diray Ban ki-moon inta uu ka daba tago ku badalo xaqiiqda uu la kulmay ? maxay tahay sababta Mr. KeAting uu u taageeray go-aanka qaldan ee uu qaatey Madaxweyne Culusoow ee ahaa 4.5? Muxuuse Mr. Culusoow u caanshaqay 4.5 ?

Lagama yaabo in Mr. Ketin uu ka daba tago beentii uu diray oo uu ku badalo xaqiiqada jirta oo ah in Puntland oo isku duuban ka soo horjeesatay 4.5. Anigu u maleyn mahayo in taasi ay ka suuroowdo kaan arkay Mr. Keating.Haddiisaba ay dhacdo malaheygaasi uu san jirin waa haddiba Mr. Keating uu diyaar garoobey in uu ku dhawaaqo xil wareejin waayo waxaa ku dhacay fashilaad siyaasadeed,taasoo kale gaaladu waxay u yaqaanaan  political suicide, laakiin ma aha kan gaaladii aanu arki jirnay oo haddii ay fashilmaan is toogan jiray.Wuu ka indha adag yahay sida aynu qiyaaseyno oo wuxuu ku sii adkeysan doonaa in Puntland ay soo dhoweysay 4.5.

Mr. Keating sababta uu u taageerey 4.5 waxay tahay isagoo la kulmay maleeg ama xargo la xirxiray oo juhdi iyo waqtiba lagu baxshay oo diyaarsan looguna sheekeeyey dariiqa ugu fudud oo dowlad lagu dhisi karo in uu yahay 4.5.Haddiise taa la waayana loogu sheekeeyey in Somaliya geli doonto dagaalo sokeeye oo lagu hoobto kalmadaasoo laga soo xigtay Mr. oday Hawiye Xaad.

Mr. Ketin si uu u qurxisto C.V giisa isuguna tilmaamo in uu yahay nin ku xeel dheer xalinta wadamada arimahooda siyaasadeed ee aad u murug santahay sida Soomaaliya balse Mr. Keating wuxuu fahmi waayey in uu ka dhamaan layahay siyaasada raqiiska ah ee Madaxweyne Culusoow sidaa darted Mr. Keating  siyaasadiisa ay noqotay mid raqiis ah.

Madaxweyne culusoow isagoo dantiisa qaaska qunsanaya iska indha tirayna danta reerka uu ka soo jeedo iyo danta guud ahaaneed ummadda Soomaaliyeedba ee uu u dhaarta in uu si cadaalad ah wax ugu qeybin doono wuxuu arkay in 4.5 tahay aalad u fududeyneysa in uu ku soo noqdo madaxtooyada Ummadda Soomaaliyeed markale.Waayo wuxuu is tusay in xildhibaanada soo geli doono Golaha Shacab ka ay ku yimaadaan isaga rabitaan kiisa.Issimada Beelaha Soomaaliyeed yuu ka dhex arkay xildhibaanada uu doonayo.Labo heshiis yuu wuxuu la kala galayaa mid xildhibaanka uu doonayo in uu Golaha ku daro midda kalana wuxuu la galayaa xildhibaankaas Issinkiisa.Sidaan soo sheegey darted Madaxweyne Culusoow wuxuu xildhibaanada ku oran doonaa : “Shimbirayahow heesa ,heesa heesa ,hees wanaagsan heesa”.

Anigoo ah muwaadin reer Puntland ah arimaha cakirana si fiican ula socdo waxaan ku talinayaa:

Puntland yeynan u fadhiyin in Kaan arkay Mr. Keating uu wanaag iyo wax ay ku qancaan u keeno sidaa darted ha kala doorteen laba arimood midkood:

1-In si buuxda ugu dhawaaqaan in ay ka xarig furteen somaliya inteeda kale.

2-In si buuxda ugu dhawaaqaan mudada 4.5 shaqeyneso in ay ka maqnaan doonaan Somaaliya kuna soo noqon doonaan marka la ogolaado in la isku soo doorto degmooyin iyo goboleysi inta ka horeysana Puntland wax jixinjix ah ka sugun Mr. Keating,Mr.Culusow, Mr.C.C.C  iyo Mr.Odey Hawiye midna.

W/Q: Abdulahi Jama

About The Author