Dalada qurbajoogta Puntland ee Finland oo hanbalyo u diraysa Wadaniyada puntland.‏

Dalada oo ah mid u taagan hada iyo jeer hormarinta buslshada puntland ee ku nool daafaha aduunka iyo dalkiiba.ayaa waxay qirayaan ka jaaliyad ahaan.wax qabadka dalka gudihiisa ay ka qabatay gabadha wadaniyada ah ee Ifraax Cabdinuur Faarax taasoo kashaqaysay,isku duubnida iyo midaynta dumarka puntland iyo ururada haween sagaalka gobol ee puntland noocyadooda kaladuwan.waa gabadh howlkar ah daacad wadaniyad ah oo u adeegta danaha shacabka puntland iyo hormarkooda danta guud ah.
Run ahaantii way tahay,in bilad lagu siiyo laguna amaano laguna tix galiyo shaqadeeda muuqata ee qiimaha badan.qurba joogta wadamada reer galbeedka iyo guud ahaan caalamkuba ee u dhashay puntland waxay garteen,arkeen fahmeen shaqada iyo hormarka ay samaysay oo gudaha ka samaysay Ifraax Cabdinur Faarax waxaan leenahay guulayso waxaana diyaar kuulana hay in aad wanagaas aad ka shaqaysay sii wado iyo isku xirka qurba joogta iyo bulshada dalkii joogtaba. waxaan kuugu hanbalyaynaynaa kartidaada iyo dadaalkaaga.
Dalada Qurbajoogta puntland waxay diyaar kuulatahay wada shaqayn iyo iskaashi danta bushada puntland.waxaana kaasaacidaynaa arimo farabadan oo kaa caawinaya hawsha aad u hayso bulsho waynta puntland.waxaad samaysay arimo ku dayasho mudan iyo horseed nimo wadaniyadeed.
waxaan aad u rajaynaynaa in jaaliyadaha oo dhami kugu soo xirmaan sida dalada qurbajoogta Puntland ee Dalada Qurbajoogta Puntland ee Finland oo kale,si aynu uuga wada shaqayno danaha puntland ee ah xaga hormarinta buslshada,dhaqaalaha iyo tacliinta iyo caafimaadka.bulsho walba haday isku tashato hormar bay gaadhaa sidaa aad aamin santahay anaguna waa kula qaadanaya fikirkaagaa saliimka ah.waxaan kuleenahay hanbalyo hanbalyo iyo wada shaqayn wacan.
Dalada Qurbajoogta Puntland ee Finland

About The Author