Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Danjiraha Midowga Yuru u qaabilsan Soomaaliya oo Daah-furay Mashruuca Aqoontu Waa Iftiin

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 Feb, 2016 Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Danjiraha midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michele Cervone  iyo saraakiil uu hoggaaminayey  oo ka socotey midowga yurub.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Danjiraha midowga yurub ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay kamid ahaayeen la dagaallanka argagixisada, dhismaha jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo iyo Barnaamijka axsaabta badan oo lafilyo inay Puntland ugubto dhowaan, banaamijkaas dimuqraadiyada oo  Puntland uga baahantahay beesha caalamka inay taageero buuxda ka siiyaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali  Gaas iyo Danjire Michele Cervone  ayaa  sidoo kale waxay si wada jir ah xadhigga uga jareen dhisme cusub oo uu midowga yurub kusoo kordhiyey Dugsiga sare ee Al-waaxa ee Magaalada Gaoowe, dhismahaas oo wax badan ku soo kordhiyey waxbarashadii dugsigaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kadib waxa uu Munaasib lagu daah-furayey Wejiga labaad ee ee Mashruuc loogu magac daray Waxbarashadu waa Iftiin, isla markaasina lagu soo xidhayey wejigii koobaad ee isla-mashruucaasi kaga qayb galay Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta Puntland ee PDRC.

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay  Wasiiro, Xildhibaano, Danjiraha midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone, Saraakiil ka socota Hay’adaha Puntland kala shaqeeya arrimaha wax-barashada, saraakiil kasocoto Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone  ayaa markii la soo afmeeray munaasabadaasi  shirjaraa’id ku qabtay xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta ee PDRC, waxana ay kaga warbixiyeen Mashcuura Aqoontu waa Iftiin oo midowga yurub uu ka caawiyo Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Barnaamijkan maanta la daah furay uu yahay mid u gaar ah Puntland oo keliya maadaama ay wasaaradda waxbarashada Puntland noqotay mid kudayasho mudan isla markaana ay ka shidaal qaataan Hay’adaha waxbarahsada kale ee Soomaaliya.

“Barnaamijkani waxa uu socon doonaa muddo saddex sanno ah, waxaana lagu dhisayaa ilaa 70 Iskuul, welibana 145 fasal oo kale lagu biirin doono waxbarashada Puntland, barnaamijkaasi waxa uu gaar u yahay Puntland, wasaaradda waxbarashada Puntland-na waxay noqotay mid lagu faani karo, ayna ka shidaal qaataan waxbarashada kale e Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Ambassador Michele Cervone   ayaa isaguna geestiisa sheegay Puntland in ay Dawladda Puntland ku guulaystey hirgelinta nidaam waxbarasho oo tayo leh kaas oo noqday mid  Soomaaliya inteeda kale in ay kaga dayan doonaan Puntland, midowga yurubna uu sii xoojinayo taageerada ay la garab taagan yihiin Puntland ee dhinaca waxbarashada ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in ay Puntland ka caawin doonaan Barnaamijka dimuqraadiyaynta kaasoo hore ay uga caawin jireen Puntland , iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalah oo ay ugu horayso Waddada isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Halkaan ka dhegeyso Codka Madaxweynaha


Halkaan ka dhegeyso Codka Danjiraha

IMG_0205IMG_0207IMG_0214IMG_0221IMG_0223IMG_0230IMG_0237IMG_0239IMG_0253IMG_0257IMG_0263IMG_0268IMG_0272IMG_0274IMG_0286IMG_0289IMG_0320IMG_0324IMG_0332IMG_0334IMG_0343IMG_0354IMG_0363IMG_0367IMG_0381IMG_0390IMG_0393IMG_0394IMG_0404IMG_0410IMG_0432IMG_0446IMG_0459IMG_0467IMG_0468IMG_0470IMG_0473IMG_0483IMG_0494IMG_0499IMG_0508IMG_0509IMG_0511IMG_0525IMG_0529IMG_0532IMG_0539IMG_0556IMG_0568IMG_0571IMG_0576IMG_0580IMG_0586IMG_0625IMG_0628IMG_0640IMG_0664IMG_0674IMG_0682IMG_0698IMG_0717IMG_0725IMG_0741IMG_0751IMG_0762IMG_0775IMG_0791IMG_0821IMG_0839IMG_0859IMG_0888

About The Author