Dhagayso: C/kariim Xuseen Guled ”waxaa Ayaan daro ah in dad gaar ah oo loo Sadbursiiyey ay Saluug iyo Qaylo qabaan..”

15 Feb 2016 (Puntlandes) C/kariim Xuseen Guled  oo ah madaxweynaha maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee Degmada Cadaado uu fadhigiisu yahay ee Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay diidmada ay dawladda Puntland diiday in Soomaalidu wax ku qaybsato Habka Qabaliga ah ee 4.5,  isagoo u leexiyey diidmada Puntland inay Saluugsan yihiin wax uu ugu yeerayt in awalba  loo Sadburiyey.

196-13

C/kariim ayaa yiri ”waxaa Ayaan daro ah in dad gaar ah oo loo Sadbursiiyey ay Saluug iyo Qaylo qabaan. Halka kuwii laga Sadbursaday ay aamusan yihiin”

Runtii waa wax aan Xaqiiq ku salaysnayn in dawladda Puntland iyo shacabkeeda ay doonayaan Sadbursi, iyagoo diiday in dib loogu noqdo habkii qabiilka ku salaysnaa ee 4.5 halka uu C/kariim u ordayo inaysan Soomaaliya waligeed ka bixin Qabiil wax ku qaybsi.

Dhanka kale C/kariim ayaa waxa uu ka hadlay wax aan waxba ka qusayn oo ah in haddii isaga iyo saaxibadii ay ka tanaasuli waayaan Qabiil wax ku qaybsi inay Puntland Aayaheeda ka tashan doonyto.

Dhagayso C/kariim


Puntlandes.com

About The Author