Madaxweynihii hore hore Puntland & Ergayga Midowga Yurub ee Somalia oo Garowe ku kulmay

15 Feb 2016 (Puntlandes) Madaxwaynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole ayaa maanta magalo madaxda Garowe kula kulmay Ergayga wakiilka uga ah Midowga Yurub arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, kaasoo u yimi magalada arrimo la xiriira horumarinta waxbarashada.

Farole kulanka uu la qaaday Cervone waxaa ku weheliyay ku xigeenkiisii Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo qaar ka mid wasiiradiisii hore, masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashada 2016, maadama Puntland ay diiday inay qaadato go’aanka horseedanaya in doorashada lagu galo 4.5.

In kastoo aan xog badan warbaahintu ka helin kulankan, hadana wuxuu u muuqday Cabdiraxmaan Farole inuu mar kale ugu celinayo beesha caalamka inaysan raali ka noqon karin nidaamka qabiilka isla markasna Puntland oo isku duuban cadaysan in nidaamkasi uu xaq daro yahay.

Wafdiga Michele Cervone d’Urso ayaa sidoo kale Garowe ku daahfuray mashruuc lagu horumarinayo waxbarashada Puntland kaasoo qayb ka ah barnaamijka waxbarashadu waa Iftiin.
large (1)

large (2)

large (3)

large (4)

large

About The Author