Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug oo Gaas u magacaabay Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland

17 Feb 2016 (Puntlandes)madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu u magacaabay n 14 Febraayo 2016 Seddexda taliye ku xigeen ee Booliiska Puntland, waxaana Taliye ku xigeenka koowaad loo magacaabay guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Col. Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg.

212-1

Col. C/qaadir Shire Faarax Ereg waxaa uu darajada Kornaylka qaatay xilligii dowladdii milatariga ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxaana sanadihii burburka ka dib ku noolaa dalka Maraykanka halkaas oo uu ka yimid markii loo magacaabay guddoomiyaha gobolka mudug bartamihii sanadkii 2015.

Sidoo kale isla wareegtadaan ayaa Taliye ku xigeenka labaad ee booliiska Puntland loogu magacaabay Gaashaanle sare Bile Faarax Cabdi, halka Taliye ku xigeenka Seddexaadna loo magacaabay Gaashaanle Sare Jaamac Saxardiid Cabdi.

Madaxweynuhu waxaa uu wareegtada ku sheegay in raggaan uu xilalka u magacaabay markuu arkay Dastuurka dowladda Puntland, aqoontooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanka gaar ahaan Booliiska.

 

About The Author