SAWIRO: Isimo Booqday Gobolka Gardafuu ee Puntland & Wadada LAFA-GORAY ee Gobolkaas oo Xariga laga Jaray

Gudiga Gacanta Ku hayay Dhismaha Wadooyinkii Ay saameyeen Duufaanadii Ku dhuftay Gobolka Gardafuu ee Puntland, ayaa soo gaba-gabeeyay Dacayactirka Wadooyinkaasi,

Wadada Lafagoroy oo kamid ah Wadooyinka ugu waaweyn ee Ay jareen Duufanadii Ka dhacay Gobolka, Ayaa Waxaa Xarigga Ka jaray Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo islaan Ciise Islaan maxamed.

Kadib Xarig ka jarka Wadadan ayaan usoo Socdaalnay Dhinaca Deegaanka Tooxin Oo Masaafo dheer Aan usoconay, Waxaanan Intaan sii soconay Indhaheenna ku soo arkayna Goobo ay aad u adagtahay in lagu safro, Kuwaas oo Meelaha Qaarkoodna Ahey kuwo Cibir dheer laga soo Dhisay Dhinaca Badda iyo Barigaba,

Waxaanna isimadaan iyo Masuuliyiinta Kale Soo Dhaweyn diiran U sameeyay Dadweynaha Deegaanka Tooxin Oo Hoostagta Dagmadda Bareedo,

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ee Puntland Cabduqaadir Yuusuf Iid Oo Ka hadlayay Xaflad ka dhacday tuuladda Tooxin ayaa Ka sheekeeyay Dhibaatada lagala soo kulmay Dhismaha Wadadan.

Suldaan Ciise Maxamed Ciise oo kamid Ahaa Waxgaradkii La socday Wafdiga isimadda puntland ee Soo Gaaray Gobolkan Gardafuu ayaa ku taliyay In umadda somaliyeed loo Bandhiga Sanduuq Lacag loogu aruuriyo Dhimsmaha wadooyinka Gobolkan,

Islaan Ciise Islaan Maxamed Ayaa ku booriyay Howsha ay hayaan Dadka Dagan Gobolka Gardafuu, Wuxuunna Sidoo Kale Baaq u diray Guud ahaan Bulshadda Somaliyeed,

Howsha hadda wajigeeda 1-aad la soo Gaba gabeeyay ee Dhismaha Wadooyinka Xoogaad iyo lafogoray ayaa la bilaabay 5/12/2015, Waxaanna Howshaan u istaagay Gudiga ka kooban Waxgaradka deegaanka, Ganacsatada Puntland, iyo Qurba-joog lacago ku caawiyay Dhismaha wadooyinkan, Waxaanna Gudigan Soo Gaaray Mudadii ay shaqeynayeen Lacag Dhan ($ 47586 : USD ) Dollar, Walow Ay jiraan Lacago Kale oo Ay ku deeqeen Qaar kamid ah isimadii Soo gaaray gobolka,

Islaan Ciise Islaan Maxamed Ayaa Lacag Dhan Boqol Milyan Oo Shilin somali ah Ugu Deeqay Dhismaha Wadadan, Sida uu sheegay Beeldaaje Yaasiin.

Ugu danbeynna Wadooyinkii ayaa hadda si KMG Ah Loogu furay Dadka deegaanadaasi, iyadoo lagu baaqay ka qeyb qaadashadda wajigeeda Labaad, Waxaanna Dhinaca Kale, Isimadii iyo waxgaradkii yimid Halkan Aaa Hadda ku soo laabtay Dagmadda Baargaal ee isla gobolka Gardafuu Iyagoo maalmaha soo socda Dib Ugu noqon doonaan Meelahoodii,

 

IMG_5488

IMG_5489

IMG_5495

IMG_5496

IMG_5497

IMG_5498

IMG_5499

IMG_5501

IMG_5502

IMG_5503

IMG_5504

IMG_5505

IMG_5506

IMG_5507

IMG_5508

IMG_5509

IMG_5510

IMG_5511

IMG_5513

IMG_5514

IMG_5517

IMG_5518

IMG_5519

IMG_5523

IMG_5537

IMG_5540

IMG_5552

IMG_5558

IMG_5565

IMG_5566

IMG_5583

IMG_5585

IMG_5592

IMG_5598

IMG_5602

IMG_5605

IMG_5607

IMG_5614

IMG_5616

IMG_5625

IMG_5628

IMG_5633

IMG_5639

IMG_5640

IMG_5646

IMG_5652

IMG_5672

IMG_5682

IMG_5734

IMG_5744

IMG_5746

IMG_5747

IMG_5748

IMG_5749

IMG_5750

IMG_5751

IMG_5752

IMG_5753

IMG_5757

IMG_5759

IMG_5762

IMG_5763

IMG_5775

IMG_5779

IMG_5784

IMG_5785

IMG_5788

IMG_5812

IMG_5815

IMG_5818

IMG_5825

IMG_5827

IMG_5828

IMG_5831

IMG_5832

IMG_5849

IMG_5850

IMG_5924

IMG_5935

IMG_5956

IMG_5957

IMG_5958

IMG_6026

IMG_6027

IMG_6060

IMG_6061

IMG_6076

IMG_6077

IMG_6082

IMG_6086

IMG_6091

IMG_6094

Xigasho: Puntlandpost

About The Author