Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland & Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo kawada hadlay Geedisocodka Dorashooyinka 2016

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo maalinii labaad kusugan magaalada Addis Ababa ee  Caasimadda Waddanka Itoobiya ayaa Caawa 17-Feb-2016 waxaa casho sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya Dr.Tedros Adhanom.

Kulanka casho sharafta ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya iyo Wakiilka Itoobiya u qaabilsan urur goboleedka IGAD, waxaana uu kulankani ahaa mid lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Dawladda Puntland isla markaana lagu lafa gurayo guud ahaanba arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr.Tedros  kulankoda  casha sharafta kasoo qayb galay ayaa waxay kawada hadleen guud ahaan arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo mawqifkii Dawladda  Puntland ay ka qaadatay go’aankii ay gaadhey Dawladda Federaalka Soomaaliya beesha Caalamkuna ay soo dhoweysey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas   oo uga mahadceliyey  Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda  Itoobiya Dr.Tedros casho sharafta uu u sameeyey ayaa dhinaca kale  sheegay   Puntland in aanay marnaba aqbalayn in dalka dib loogu celiyo nidaamkii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo dawladda federaalku go’aamisey  in marlabaad dalka dib loogu celiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya u sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay ay Puntland soo gaadheen wafti ballaadhan oo ka socda beesha caalamka kuwaas oo uu hoggaaminayo wakiilka xog hayaha guud ee qarama midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating  kana mid ahaayeen Danjirayaasha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan, midowga yurub iiyo midowga Afrika kuwaas oo kulamo  kala duwan laqaatay Dawladda, Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, Isimada iyo siyaasiyiinta isla markaana ay indhohooda ku soo arkeen dareenka shacabk Puntland.

Casho sharafta uu Wasiirka arrimaha Dibadda  Dawladda Federaalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntand Dr.Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa waxay kusoo gebagebowdey  jawi deggan oo meeqaam heersare ah leh.

 

2e2d127a-b6ff-4e3e-a1de-ed5a8b5272028ec39d01-a866-4d53-839a-e5a437c3d9de511d2db2-df5c-4e2a-8193-da9ca60cdec3e5dc831e-851c-4e04-8de5-1ddfe601dbd7

About The Author