Akhriso-Daawo Video: Xildhibaan Maxamed Cali yuusuf oo eed Culus u jeediyey Gen Darwiish

212-3a

War-saxaafadeed uu soo saaray Xil. Maxamed Cali Yuusuf:

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Alxamdu Lilaah, Wa Salaatu Wasalaamu Calaa Ashrafil Anbiyaa, Wal Mursaliin. 

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee daawaneysa, dhageysaneysa ama akhrisaneysa war-saxaafadeedkan waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka (Asalaama Caleykum Waraxmatu-laahi Wabarakaatu).

Marka hore waan iskiin-barayaa oo magaceygu waa Maxamad Cali Yuusuf. Ma´aan ihi nin Jubaland ku cusub. Waxaan ahay nin degaankan u-dhashey kuna soo bar-baarey. Waxaan ahay nin kamid ah xubnihii sida fir-fircoon u taageeray dhismaha dowlad-goboleedka Jubbaland. Waxaan ahay xubin kamid ah barlamaanka Jubaland.

Haddii aan ku hormaro sadexda tiir ee waajibaadka shaqo u ah Xildhibaan waxay kala yihiin:

  1. Matalaad (Representation)
  2. Sharci dejin (Legislation)
  3. La-xisaabtan (Oversight)

Qodobka 31aad : (Dastuurka Jubaland) Awoodaha iyo Masuuliyaadka Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Jubaland. 

Qeybtiisa (MATALAADDA)                          

Faqraddiisa 2-aad: (waxay oraneysaa) Baarlamaanku wuxuu matalaa masaalixda deegaannada laga soo doortay xildhibaan kasta oo xubin ka ah golaha Baarlamaanka Jubaland.

Inkastoon ahay Xildhibaan Jubaland misana waxan matalaa oo golaha Barlamaanka Jubaland magacooda iyo wakaaladdooda ku fadhiyaa beesha Harti oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee degan Jubaland. Markan arko duruufaha qalafsan, dib u-dhaca iyo dhibaatooyinka regaadiyey beesha Harti iyo garasho la’aanta ama tayo xumida madaxda iyo Xildhibaanada beesha Harti/Jubaland waxan soo xusuustaa oraahda oraneysa!

“Waxaan inta badan jeclahay inaan dhex socdo roobka oo da’aya, si aan qofna u arkin oohinteyda”

Marka hore waxan inyar ka taabanayaa taariikhda beesha Harti/Jubaland.

Beesha Harti/Jubaland waxay ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah oo laga dheehan karo sooyaalka taariikhda Jubaland. Laga soo billaabo qarnigii 17-aad badmareenadii, maamuladii Islaamka iyo gumeystayaashiiba waxay kula kulmi jireen xeebaha Gobolka J/hoose. Waxayna heshiisyo amni iyo wax wada qabsi la gali jireen xooggaggaas ajaanibta ahaa ee damaca ka lahaa deegaankan. Heshiisyadaas oo uu ka mid ahaa midkii Saciid Barqash waxa maanta laga heli karaa xarumaha lagu keydiyo qoraalada iyo taariikhda caalamka sida Muusimyada iyo Madxafyada. Waxa kaloo daliil cad u ah gun-dheerida taariikhda Harti/Jubaland qoraalka uu qoray Lorian Swamp oo ahaa ((British colonial officer), buuggiisa uu qoray 1914 oo lagu magacaabo “THROUGH JUBALAND TO THE LORIAN SWAMP” boggagga 61-66. Buuggan waxaad ka daalacan kartaa (GOOGLE-ka).

Beesha Harti/Jubaland waxay qeyb libaax ka soo qaadatay xoreyntii guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Gobolada Jubaland laga xoreeyey gumeystihii ku soo duulay. Waxa cad oo misana la hubaa inay tahay beeshii laf-dhabarka u ahayd xisbigii keenay gobanimada Soomaaliyeed ee la oran jiray SYL, iyagoo gaar ahaan ka furay xarumahii xisbigaas goobo fara badan oo ku yaal gobolada Jubaland. Sidoo kale waxay halgan dheer u soo galeen ka xoreyntii gumeystaha ee goboladan, iyagoo naf iyo maalba u soo huray.

Marka laga yimaado dagaaladii deeganadan loogaga xoreeyey gumeystayaashii ku soo duulay, waxa dhab ah oo marag ma doonta ah in beesha Harti/Jubaland ay deegaankan ku mintidday difaaciisa xilligii uu socday dagaalka sokeeye ee Soomaaliya, kaasoo ujeedadiisu ahayd dhul-doon. Maadaama qodobka ugu hilinka culus dagaalkan uu ahaa deegaan-boob. Beesha Harti/Jubaland waxay ahayd tii u baabac-dhigtay kana hortagtay hadafkii dhul-doonka ahaa ee lala damacsanaa in lagu dhaxal wareejiyo deegaankan, kaasoo sida hirarka isu daba yiil, difaacaas adag oo ay beesha Harti/Jubaland ku wiil iyo waxaad weysey waa midka hadda keenay in deegaankan intiisa badani ay gacanta ugu jirto DGJL.

Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo Md. Axmed Maxamed Islaan loogu doortay inuu madaxweyne ka noqdo 15/05/2013, mar labaadna la doortay 15/08/2015, beesha Harti gudo (JL & PL) iyo dibadba waxay la garab istaagtey maskax, muruq iyo maalba, ilaa iyo maantana waxay si hagar la’aan ah ugu heellan tahay taabo-gelinta mabaadiidii lagu asaasay dowladda goboleedka Jubbaland.

Hadaba, si aad u fahamto dulucda war-saxaafadeedkan fadlan akhri ama dhageyso qodobada hoos ku xusan oo dhammaantood ku qoran dastuurka KMG ee Jubaland:

Qodabka 3aad: Mabaadi’da Aasaasiga ah

Faqraddiisa  2-aad: (waxay oraneysaa) Dhammaan dadka reer Jubaland way u siman yihiin sharciga hortiisa, waxayna leeyihiin xuquuq, sharaf iyo caddaalad bulsho.

Qodobka 10aad: Xaqa Nolosha

Faqraddiisa 2-aad: (waxay oraneysaa) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la ilaaliyo naftiisa iyo sharaftiisa.

Qodobka 11aad: Xuquuqaha Shakhsiga

Faqraddiisa 2-aad: (waxay oraneysaa) Qofna looma diidi karo xaquuqdiisa iyadoo loo eegayo midab, diin, jinsi, isir,  muuqaal, hanti, fikir, aragti siyaasadeed, luqad iyo asal ahaan.

Qodobka 13aad: Xurmada Hoyga

Faqraddiisa 1-aad: (waxay oraneysaa) Waxaa reebban baaridda iyo gelidda hoyga qofka amar garsoore la’aantiis, haddii uusan hoyga gelin qof danbiile ah.

Qodobka 15aad: Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi Wadareedka.

Faqraddiisa 2-aad: (waxay oraneysaa) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu cabasho qoraal ah oo shakhsi ama mid wadareed u gudbiyo laamaha xukuumadda Dawlad Goboleedka Jubaland.

Qodobka 20aad: Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta

Faqraddiisa 2-aad: (waxay oraneysaa) Qofku wuxuu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab saxaafadeed oo hadal ah, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.

Hadaba, taariikhdu markay ahayd 07.02.2016 odeyaasha dhaqanka beesha Harti/Jubaland waxay soo saareen go’aan ay kalsoonida kala noqdeen isla markaana xilkii hoggaamiyaha siyaasadda ee beesha Harti/Jubaland ay ka qaadeen Gen. Darwiish oo ah sii hayaha xilka wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee Jubaland. Go’aankaas oo ahaa mid ay xaq u leeyihiin odeyaasha dhaqanku, waxaa ka horeeyey oo misina ka danbeeyey qodobada hoos ku xusan:

  • Darwiish 6-dii bilood ee u danbeysey wuxuu cadaadis xad dhaaf ah ku hayey odayaasha dhaqanka beesha Harti/Jubaland iyo shacabkooda, wuxuuna ka hor-joogsadey oo ka ilaaliyey iney shirar ku qabsadaan Hoteelada magaalada Kismaayo iyo iney adeegsadaan saxaafadda madaxa bannaan.
  • Markii uu soo baxay go’aankii kalsoonida loogala noqday Gen. Darwiish, wuxuu soo abaabulay koox waxmagarato Harti ah kuwaas oo uu fursad u siiyey iney ku kulmaan Hotel Kismaayo iyo iney si xor ah u isticmaalaan saxaafadda.
  • Kooxdan uu Gen. Darwiish soo abaabulay waxay ceeb iyo meel ka dhac weyn u soo jiideen beesha Harti/Jubaland, waxayna Media-ha Soomaalida ku yaaciyeen warar aanan loo meel dayin oo aan sal iyo raad toona lahayn.
  • Iyaga oo ka tarjumaya aragtida liidata ee Gen. Darwiish waxay odeyaasha beesha Harti/Jubaland ku tilmaameen iney yihiin Al-shabaab, Argagaxiso iyo Nabad-diid
  • Siyaasadda Gen. Darwiish ee ah “Qeybi oo Xukun” iyagoo raacaya waxay sheegteen derejooyin eyan shuqul ku lahayn sida (Suldaan, Ugaas, Nabaddoon IWM)
  • Kooxda Gen. Darwiish waxay saxaafadda horteeda aflagaaddo, cay, handadaad xarig IWM ugu geysteen odeyaasha dhaqanka beesha Harti/Jubaland

Arintanna waxay isoo xusuusineysaa oraahda oraneysa!

  • “In aad dhimatid adigoo taagan ayaa ka fiican, in aad noolaatid adigoo jilbahaaga dhulka ku haya”

Gen. Darwiish iyo gabanadiisa waxan ugu baaqayaa:

  1. Iney ka fogaadaan dabka ay ku ciyaarayaan
  2. Iney ogaadaan in Jubaland aynu u simman nahay
  3. Iney sharci darro tahay in awoodda dowladda JL si khaldan loo isticmaalo
  4. Iney mamnuuc tahay in lagu xadgudbo qiyimka muwaadiniinta Harti/JL
  5. Iney dhaqan xumi iyo ceeb mahadho ah tahay in odeyaasha laga horyimaado
  6. In hay’adda ugu sareysa arimaha beesha Harti ay tahay odeyaasha dhaqanka
  7. In hanjabaadaha joogtada ah ee ka imanaya kooxdan, kuwaasoo isugu jira dil, xarig iyo masaafuris wixii ka yimaada uu mas’uuliyaddeeda dusha saaran doono Gen. Darwiish.

Ugu danbeyn waxan ku soo gunaanadayaa tixdan gabeyga ah ee uu tiriyey AUN Cismaan Yuusuf Keenadiid (Af Duub):

Maanyaridu Soomaali waa meheraddeediiye
Maslaxaddeedii garan wayday iyo marinkii toosnaaye
Macnahay ku noolaan lahayd maluhu siin waaye.

Maamuus la’aan lagu waday moodayaan nolole
Miisxumada haysiyo dulligu waw macaan yahaye
Mabsuud weeye badidood waxay mudanayaan ceebe.

Muslinnimada sida loo mudmudi, kama masayraane
Meeqaam xumida waxa joojay waa muran dhexdoodaahe
Iyagaysu muuqana hayoo moog adduunyada,e.

Murtiday lahaayeen diliyo magaca kooda ahe
Muwaafaqo kolkii laga gefaa mowtigood galaye
Anigaa ku miro dhaama baa meleg u saarraaye.

Macriifa uma yeeshaan wuxuu baran masaalkoode
Macaamilada aadmigu ku jiro laga madoobeeye
Martabada adduunkiyo cilmigu umaba muuqdaane.

Raggii madaxdu ka xumaato waa marin habaabaaye
Kuwa maqaddimada looga dhigay waa manfaco raace
Mar maxaad cuntaan kaliya buu yahay muraadkoode.

Wabillaahi Towfiiq.

Wasalaama Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu. 

M/ed Cali Yuusuf

Xildhibaan/Jubaland

aliialii1@hotmail.com

About The Author