Sawiro: NGO yadaa NADO & SSCA oo Isbitaalka Bursaalax ka Hirgeliyey Raajo Casri ah

20 Feb 2016 (Puntlandes) NGO yadaa kala ah NADO oo ka hawl gala Puntland iyo SSCA oo ka hawla gala dalka Denmarka ayaa iska kaashaday Fulinta Mashruuc aad iyo aad u qiimo badan oo ay ka hirgeliyeen Isbitaalka Bursaalax.

NADO iyo SSCA  ayaa waxay geeyeen Isbitaalka magaalada Bursaalax Qalab Raajo oo Casri, kaasoo uu baahi wayn u qabay Isbitaalkaas.

Shacabka aadka u faraha badan ee ku nool Bursaalax iyo Nawaaxigeeda ayaa ka faa’iidaysan doona Qalabkan lagu soo kordhiyey Adeegii uu Isbitaalka Bursaalax bixin jiray.

Isbitaalka Bursaalax ayaa waxa uu hos yimaada oo uu qayb ka yahay Mashruuca Horumarinta Bursaalax, kaasoo maamula Iskuulo ka kooban Hoose Dhexe, Sare, Iskuul Dadka waayn, Qaybta barashada Diinta, Biyo gelinta Magaalada Bursaalax iyo Isbitaalka

Qaar ka mida dadka ku nool Bursaalax oo xiriir lasoo sameeyey Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay u mahadceliyeen labada NGO ee kala ah NADO iyo SSCA  shaqada aadka u qiimaha badan ee ay qabteen labadaas NGO.

Sawiro
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

1 2

10

11

2

3

4

5

6

7

8

9
Puntlandes.com

About The Author