Sawiro: Board-ka Mashruuca oo Shir la yeeshay Maamulka Mashruuca Horumarinta Bursaalax

20 Feb 2016 (Puntlandes)  Waxaa soo gaaray xarunta Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursalax Ee Bursaalax  Gudigii Board ka Mashruuca Horumarinta oo kormeer shaqo ku yimid Mashruuca.

Gudiga oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Gudiga Mudane Abdifitah Mohamed Sugulle ayaa u yimid xarunta:

  1. Kormeerka Geedi socodka shaqada Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursalax
  2. Qiimayn iyo Dabagal hawlihii Qorshaysnaa ee 2015-2016 wixi ka qabsoomay iyo waxa aan ka qabsoomin.
  3. Dejinta qorshaha qaybtiisii labaad ee sanad dugsiyeedka 2015-2016
  4. Dhiiragelinta ardayda Form Four ka ah kuwa kuleejada iyo guud ahaan waaxyaha kala duwan ee Horumarinta Bulshada Bursalax

Xisaabaadka Mashruuca

Guddiga ayaa dhagaystay warbixintii Financial Report kii Saddexdii Bilood wuxuuna soo dhaweeyey hirgelinta Quick books kaas oo kor u qaadaya la socodka Xisaabta

Gudigu wuxuu booqday Qaybaha kala duwan ee Horumarinta Bulshada Bursalax, waxayna dhagaysteen shaqaalaha Mshruuca iyo Ardayda wax ka barta Mashruuca iyadoo ku dhiiri geliyey inay dadaalkooda laba laabaan si ay GUUL u gaaraan.

Mahadcelin

Gudigu wuxuu aad ugu mahadceliyey Guud ahaan cid kasta oo gacan siisa Barnaamijkaan oo ay ugu horayso Jaaliyadaha kala Duwan oo ah kama daalayaal.

Waxay kaloo Gudigu si gaar ah ugu mahadceliyeen NGO yadaa NADO iyo SSCA oo dhanka caafimaadka ka taageera iyo Bulshada Bursaalax.

 

Sawiro
12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29

30

31

32

33

34

35
Puntlandes.com

About The Author