Beesha Harti ee G. Jubbada Hoose oo Kalsoonidii kala noqotay Wasiirka A. Gudaha JL & Axmed Madoobe & wasiirka oo dagaal bilaabay

20 Feb 2016 (Puntlandes) Bishan aynu ku jirno ee Febraayo ayaa 7dii waxaa magaalada Kismaayo BAAQ, (Fadlan hoos ka akhri Baaqa), kasoo saaray Beesha Harti ee degta Gobolka Jubbada Hoose iyadoo ku sheegtay Baaqa inay Kalsoonidii kala noqotay Wasiirka Arimaha Gudaha Jubaland Gen Darwiish.

212-7f

Intaas ka dib ayaa  madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo taageero dhaqaale kasoo qaatay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh waxa uu taageeray Gen Darwiish isagoo dhabarka u jeediyey Beesha Harti, kadibna wuxuu ku dhiiri geliyey Gen Darwiish in uu dagaal ku qaado Beesha Harti oo wax kasoo dhistay maamulka Jubaland kana mid ah TIIRARKA ugu waawayn ee uu maamulku ku taagan yahay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lacagtii uu Xasan Sheekh uga soo qaatay inuu iska hor keeno dadka walaalaha ah ee reer Jubaland waxa uu u xilsaaray inuu Gen Darwiish soo Qorto NABADOONO Gacan ku rimis ah oo aan Beelna matelin oo uu samaystay si uu danihiisa ugu gaaro, iyagoo dhankooda soo Qortay kuna Cano Shubay nin ay ugu yeereen Suldaanka Beesha Harti kaasoo aan ahayn kii soo jireenka ahaa.

Axmed Madoobe wuxuu taageeray Suldaankii Darwiish soo qortay isagoo diidauy kii soo jireenka ahaa ee ay lahaayeen Beelaha Harti. Inataas laguma joogsane waxaa la bilaabay Caburin, Caga juglayn iyo in la yiraahdo Beesha Harti waa Alshabaab iyo waxyaalo kale oo Raqiis ah. waxaa si xawli ah iyadoo dhiiri gelin looga helayo madaxweyne Axmed Madoobe la bilaabay BOOBKA hantida ay leeyihiin Beesha Harti iyadoo Guryo badan laga burburiyey qaarna laga qaatay.

Gen Darwiish wuxuu ku magacaaban yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Jubaland waxaana la dhacayaa oo la BOOBAYAA shacabkiisii isagoo u sacabtumaya Koox usoo midiyo qaatay Boobka hantida ummadda.

Axmed Madoobe iyo Gen Darwiish ayaa waxay bilaabeen dacaayado Raqiis ah iyádoo ay ka mid ahayd in dad ka mida Beesha Axmed Madoobe inta dhawr nin oo Harti ah lagu daro in Video laga duubo iyadoo lagu sheegayo in lagu Beeninayo Baaqii kasoo baxay Beesha Harti ee Kalsoonida loogala noqday Gen darwiish daawo Videowga kore.

212-7e

Maanta ayaa waxay marba meel joogto waxaa har cad la iska xirtay Suldaanka Beesha Harti Suldaan Maxamuud Geele Cumar iyo nabadoonkii beesha Ciise Maxamuud ee jubaland Nabadoon Cabdullahi Bile Saciid Ciise, halkan ka akriso maqaal ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay xariga

Halkana ka AKHRISO kana DAAWO War-saxaafadeed uu soo saaray Xil. Maxamed Cali Yuusuf oo uu ku EEDeeyey Gen Darwiish

Akhiso BAAQII Beesha Harti ay Kalsoonida ugala noqotay Gen Darwiish

KA: Odayaasha Dhaqanka Beesha HARTI/JUBALAND ee hoos ku saxiixan

KU: Madaxweynaha DGS ee Jubaland

OG: Beel-weynta HARTI

OG: Xildhibaanada Barlamaanka Jubaland

OG: Odayaasha dhaqanka Jubaland

OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/KENYA ee Jubaland

OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/ETHIOPIA ee Jubaland

OG: Saxaafadda Madaxa Bannaan

Kismaayo – 07/02/2016

UJ: BEESHA HARTI/JUBALAND OO KALSOONIDA KALA NOQOTAY WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA & AMNIGA JUBALAND GEN. M/ED WARSAME DARWIISH.

Hordhac:

darwiishBeesha HARTI ee Jubaland waxay u doorteen Gen. Darwiish hoggaamiyaha siyaasadda ee beesha. Taasna wuxuu ku kasbaday inuu Madaxweynaha Jubbaland u magacaabo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland. Waxay ahayd xilli beeshu baahi weyn ay u qabtay shaqsi leh awood hoggaamineed, biseyl siyaasadeed iyo wada-shaqeyn dhex-marta beesha HARTI, hey’adaha dowlad-goboleedka Jubaland iyo shacab weynaha Jubaland ee ay dhibaatadu ragaadisey. Nasiibdarro, Gen. Darwiish wuxuu isla markii la magacaabeyba la soo ifbaxay karti darro, wada shaqeyn la,aan iyo weliba u heelanaan khilaaf joogto ah gudaha beesha HARTI iyo Shacabka Jubaland. Hadaba beesha Harti waxay halkan ku soo bandhigeysaa qaar ka mid ah arimaha Wasiir Darwiish sida gaarka ah uu ugu geystay beesha HARTI:

Qodobada Kalsooni kala Noqoshada Gen. Darwiish:

  1. Gen. Darwiish wuxuu inta badan waqtigiisa ku lumiyey xulufeysi iyo kala qeybin beesha HARTIdhexdeeda, wuxuuna isku darsadey been iyo kibir, taasoo haba yaraate’e suurtogal eysan ahayn qof noocaas ah inuu hoggaamiyo beesha HARTI.
  2. Wuxuu gudaha Beesha HARTI ku dhex-abuurtay koox qas-wadayaal ah oo si bareer ah u curyaamisey wadajirkii, midnimadii iyo horumarkii beesha, xag siyaasadeed, xag dhaqan iyo xag dhaqaaleba.
  3. Wuxuu caadeystey inuu si joogta ah u khilaafo masaalixda beesha, isagoo isticmaalaya aragti ah “Qeybi oo Xukun”
  4. Wuxuu Mas’uul ka yahay dhibaatada joogtada ah ee loo geysto shacabka beesha Harti, Wuxuuna har iyo habeen ku mashquulsan yahay kala tagga iyo kala fogaanshaha Harti dhexdiisa iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed.
  5. Wuxuu oday u yahay ficilada gabbood-fallada, tacaddiyada iyo hagardaamada ah ee loo geysanayo beesha HARTI, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Dilal nafeed, dhac hantiyeed, shirqoollo, xarig joogto ah, jir-dil, dad koronto lagu gubay oo qaarkood ay u dhinteen iyo dhaqan dooris lagula kacay Harti, taasoo dhammaan hoos imaneysa mas’uuliyaddiisa.
  6. Wuxuu abuuray oo misana naaxiyey tafaraaruqa, habacsanaanta iyo isku-xirnaan la’aanta ka jirta Harti dhexdiisa.
  7. Wuxuu tarxiilay ama magaaladooda Kismaayo uu ka masaafuriyey dhalinyaro HARTI ah oo isugu jirta ciidan iyo rayid.
  8. Wuxuu caadeystay odayaasha dhaqanka ee ka soo horjeeda afkaartiisa gurracan inuu isku dayo ama ugu caga-jugleeyo inuu ku bedelayo kuwo gacan ku rimis ah oo isaga daacad u ah, dhammaan arimahaasna wuxuu u sameeyey si ficil ah.
  9. Wuxuu ku guuldareystey inuu beesha ka difaaco kuwa dhul-boobka joogtada ee sharci darada ah ku haya, arintaas oo mas’uuliyad guud iyo mid gaar ahaaneedba ay ka saarneyd xaq-ku-difaacida shacabka uu matilo.
  10. Wuxuu mas’uul ka yahay dhaqan-bararka iyo taariikh la dirirka ay sameynayaan kuwa wax-ma garatada ah ee isaga u adeega, wuxuuna abuuray kuwo sheeganaya isimo HARTI oo meelna aan ka soo gelin dhaqankii HARTI ee soo jireenka ahaa.
  11. Wuxuu ka dhaga-adeygay, si bareer ahna u qaadacay figrado lagu doonayey in lagu soo nooleeyo deris-wanaaggii iyo wada-noolaanshihii beesha HARTI kala dhaxeeyey beelaha kale ee ay wada degaan degaanka.
  12. Wuxuu ahaa ninkii ka danbeeyey in habeen saq-dhexe guryahooda lagala soo baxay iyagoo indhaha laga soo xiray, xabsigana loo taxaabay Garaadka beesha HARTI (Garaad Cali AAR iyo labo nabaddoon)
  13. Wuxuu dharka u dhigtay inuu ka hor-yimaado in lagu caano-shubo suldaanka guud ee beesha HARTI (Suldaan M/uud Geelle Cumar Ismaciil), kaasoo badalayey kii isaga ka horeeyey (Suldaan Muuse Nuur Jaamac Ismaciil) oo geeriyooday March 2015.
  14. Isagoo si khaldan u isticmaalaya awoodda maamulka Jubaland, wuxuu caga-jugleyn, caburis iyo handadaad joogta ah ku hayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee beesha HARTI, wuxuuna si toos ah uga hor-joogsadaa kulamada ay uga tashanayaan aayahooda.
  15. Wuxuu ballan-qaadyo been ah ku soo jiitaa kuwo bakhti-sugayaal ah oo hoygiisa u yuurara, isagoo u ballan-qaadaya xilal sar-sare inuu ka siinayo xukuumadda la soo dhisayo, arimahaas oo HARTI ay horay ugu hungoobeen, taasoo ay ugu danbeysey xilligii la soo xulayey xildhibaanada Jubaland oo uu beesha HARTI ku maaweelin jirey inuu u keenayo tiro u qalanta

Hadaba, beesha Harti/Jubaland iyadoo tixraaceysa qodobada kor ku xusan waxay gaareen go’aannada hoos ku qoran:

  1. Beesha Harti waxay Gen. Darwiish kala noqotay xilkii hoggaamiyaha siyaasadda beesha Harti, waxayna beesha dib uga tashaneysaa ciddii u buuxin laheyd kaalintaas.
  2. Sidoo kale, beesha Harti waxay kalsoonidii wasiirnimo iyo middii qufeedba kala noqotay Gen. Darwiish.
  3. Beesha Harti dhammaan dhinacyada uu qoraalkan sida tooska ah iyo ogeysiintaba ugu socdo, waxay si xushmad iyo qaddarin leh uga codsanayaan inaan magaca iyo saamiga awood qeybsi ay beeshu hesho aanan loo magacaabin isla markaana aanan loo soo marsiin Gen. Darwiish.
  4. Ciddii xushmeyn weyso go’aanka beesha Harti, waxaanu u aqoonsan doonnaa cid u soo tafa-xeydatey bur-burinta, bahdilidda, baabi’inta jiritaanka beesha iyo ku tumasho qiyimka beesha Harti/Jubaland.
  5. Ugu danbeyn, beesha Harti/Jubaland waxay ugu baaqeysaa beelaha walaalaha ah ee reer Jubaland iney adkeystaan midnimadooda iyo wada-noolaansha-hooda.

 

Wabillaahi Towfiiq.

saxiixa

F.G: Qof ka mid ah odayaasha qoraalkan saxiixay haddii loo geysto xarig, jir-dil, dhaawac ama dhimasho waxa mas’uuliyadeeda dusha saaran doona Gen. Darwiish.

About The Author