Ila Qosol-Daawo Video: Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari oo soo xiray Shirka Mabaadiida Hagaya Golayaasha kala Duwan!!!

Ila Qosol-Daawo Video:  Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari oo soo xiray Shirka Mabaadiida Hagaya Golayaasha DFS iyo “Maamulada”,.

185a2

Maanta waxay QIRTEEN inay Soomaaliya ay kusoo ururiyeen Jubaland, KGS iyo “Galmudug oo aan Buuxin Sharuudaha Dastuurka”, aaway dalkii intiisii kale? Berrina maxay oran ileen waa qasab oo qaar kalaa la oran “loo joojin maayo loomana baahna”?

Waxaa Hubaal ah wixii shalay ka raacay Wafdigii ka socda DFS Jomo Kenyata Airport kasii daran inay la kulmi doonaan inta ay Qolyaha Xamar Qolka isku Xiray ay la tahay inay Soomaaliya iyagu yihiin.

Safaradii uu dalka ku kala bixiyey Jawaari intuu Xilka hayey

Dhanka kale Gudoomiye Jawaari oo ku magacaaban inuu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa isagoo xilku kasii dhamaanayo (4 sano iyo bar) uusan booqan marka laga reebo magaalooyin ay kasoo jeedaan isaga iyo madaxweynihiisa uu amarka ka qaato Xasan Sheekh.

Magaalooyinka uu Jawaari dhawrka mar booqashada ku tagay ayaa kala ah:

  • Jawhar dhawr mar (madaxeynaha ayaa kasoo jeeda)
  • Baledweyne dharw mar (madaxeynaha ayaa kasoo jeeda)
  • Dhuusa Mareeb dhawr mar (madaxeynaha ayaa kasoo jeeda)
  • Degmada Cadaado dharw mar (madaxeynaha ayaa kasoo jeeda)
  • Baydhabo dhawr mar (isaga ayaa kasoo jeeda)

Waxaa kaloo xusid mudan inuu hal mar Shir dartiis uu u tahay bishii dhamaaty ee Janaayo magaalada Kismaanyo mana tageen haddii uusan Shir ku sheegaasi jiri lahayn!!!

Ma saasaa in dalka iyo dadka loo dhexeeyo mise waxa uu Gudoomiye Baarlaan ka yahay Xamar?

Puntlandes.com

About The Author