Sawiro: Wasiirka Deegaanka oo la wareegay Guri ay bulshada Bursaalax Wasaarada siisay soona kormeeray Barnaamijka hormarinta Bursaalax

21 Feb 2016 (Puntlandes) Wasiirka Deegaanka Puntland ayaa la wareegay Guri ay bulshada Bursaalax  ay Wasaaradiisa siisay, kadibna waxa uu soo kormeeray Barnaamijka Hormarinta Bursaalax ee aadka u qiimaha badan ahna mid ay Soomaali oo dhami wax ka bartaan.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo maalmahaan kormeer shaqo ku marayey Gobolada Puntland ayaa galabta soo gaaray magaalada Bursaalax oo hoos tagta Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug halkaasoo uu u tagay dardargelinta iyo balaarinta howlaha shaqo ee ay Wasaarada Deegaanku ka wado Gobolada dalka, Wasiirka ayaa sifiican loogu soo dhaweeyey deegaanka Bursaalax isagoona kormeeray xarumaha
kaladuwan ee dalka.

Wasiir Cali Cabdullaahi ayaa waxaa ugu horayn lagu wareejiyey shacabka Bursaalax oo ka duulaya halhayskii madaxweyne Cabdiwali Maxamaed Cali Gaas ee ahaa “Puntland ha isku Tashato” guri  ay ugu talagaleen Wasaarada Deegaanka kaasoo si toos ah ay Wasaaradu ula wareegtay iyadoona lagu fulin doono shaqada Wasaarada.

Wasiirka Deegaanka ayaa wuxuu la kulmay dadweynaha magaalada Bursaalax isagoo kala hadlay arimo la xiriira Hormarinta Heegaanka, wuxuuna sheegay in Wasaaradiisu ay si toos ah usoo dagi doonto magaalada Bursalax,

Shacabka magaalada ayuu wasiirku ka codsaday inay xilwayn iska saaraan badbaadinta iyo hormarinta deegaanka waxaana uu sheegey in wasaaradu ay diyaar u tahay inay dadweynaha kala shaqayso hormarka isagoona ku baaqay in la sameeyo barnaamijyo “Iskaa Wax u qabso” ah kuwaasoo uu sheegey in aad loogu baahanyahay.

Wasiir Cali Cabdullahi Warsame ayaa intaas kadib booqday Barnaamijka Hormarinta Bulshada Bursaalax oo ah mashruuc balaaran oo ay Bulshadu isku tashatay kaasoo ka kooban qaybo kala Iskuulo Waxbarasho (Hoose/Dhexe & Sare, Daka waawayn, Farsama Gacanta, Arimaha Diinta), Isbitaal, xarumo dadka lagu tababaro iyo Biyo Siinta mahaalada Bursaalax,

Wasiirka ayaa soo indha-indheeyey qaybaha kaladuwan ee Barnaamijkaasi ka koobanyahay waxaana uu warbixin ka dhagaystay maamulaha iyo howlwadeenada Xarunta, Wasiirku wuxuu intaas kadib sheegey inu ku faraxsanyahay booqashadiisa isagoo ku amaanay bulshada reer Bursaalax dal iyo dibadba sida wanaagsan ee ay u Hormariyeen Deegaankooda.

Daawo Sawirada

213-1c 213-1e

123456789

About The Author