Sawiro: Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo ka qayb galay Mashruuc ku shaqaynaya Tamarta Cadceeda oo laga hirgeliyey Magaalada Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  ayaa maanta 22-Feb-2016 magaalada Garoowe kaga qayb galay munaasabad lagu daah furayey mashruuc Tamarta cad-ceeda ku shaqeeya oo shirkadda korontada ee NECSOM  oo hore loogu magcaabi jirey NEC ay ka hirgelisey magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, Mashruucaas oo noqonaya mashruucii koronto ee ugu weynaa ee Soomaaliya laga hirgeliyo.

Munaasabadda Daahfurka mashruucaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socda golayaasha Dawladda Puntland, Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud,  Ganacsato, Isimo, Maamulka Shirkadda Necsom iyo shirkadda ELVI oo ay wada shaqayn leeyihiin shirkadda NECSOM, Culumaa’udiin iyo Dadweyne kale.

Mashruucan ay soo kordhisey shirka korontada ee NECSOM ayaa ah mid magaaladu isticmaali doonto 16saacadood maalintii Tamarta Cadceedda halka 8-da saacadood ee dhimana ay isticmaali doonto matooradii shidaalka, taas oo wax badan hoos u dhigaysa qarashkii shidaalka ee ku bixijirey matoorada shirkadda iyo khidmadihii laga qaadi jirey macaamiisha, sidoo kale waxaa hoos loo dhigi doonaa qiimihi laga qaadi jirey macaamiisha shirkadda  laga bilaabo 01-March-2016 waxaana laga dhigi doonaa $0.79 halkii kilo watt halka markii hore ay ka ahayd $0.95/kw.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shirkadda korontada ee NECSOM tallaabadan horumarka ah ee ay ku tallaabsatay  iyo qiima dhimista ay bulshada u ballan qaaday,  isagoona ku tilmaamay mid Puntland oo dhan anfacaya maadaama ay shirkaddu ka hawl gasho gobollo  kamid ah Puntland iyo koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidoo kale sheegay in mashruucani uu qayb ka qaadan doono sugidda nabad-gelyada, bilicda magaalada iyo hirgelidda goobo ganacsi oo kusoo bata Caasimadda Puntland ee Garoowe.
IMG_9762IMG_9776IMG_9783IMG_9805IMG_9809IMG_9813IMG_9818IMG_9826IMG_9828IMG_9831IMG_9837IMG_9838IMG_9846IMG_9848IMG_9855IMG_9861IMG_9871IMG_9873IMG_9882IMG_9885IMG_9889IMG_9892IMG_9903IMG_9914IMG_9930IMG_9943IMG_9949IMG_9959IMG_9970IMG_9978
IMG_0026IMG_0052IMG_0071IMG_0074IMG_0080IMG_0081IMG_0096IMG_0102IMG_0116IMG_0121IMG_0144IMG_0150IMG_0155IMG_0167IMG_0171IMG_0176IMG_0190IMG_0208

About The Author