Daawo Video: Maamulka Jubaland oo laba Isim ku xiray Kismaayo, kadibna Guryahoodii ka masaafuriyey

213-2b

22 Feb 2016 (Puntlandes) Maamulka Jubalan ayaa xabsiga dhigey Suldaanka Beelaha Harti ee Jubaland Suldaan Maxamuud Geelle Cumar iyo Nabadoonka Guud ee Beelaha Harti Nabadoon Cabdulaahi Bille. Maamulka Jubaland ayaa odoyaasha dhaqanka ku eedeyey in ay yihiin al-Shabaab!.

Beelaha Harti ayaa ku eeedeeyey maamulku in uu wado cabburin iyo kelitelisnimo, lala beegsadey beelaha HARTI.

Xariga madax dhaqameedkan ayaa imaanaya kadib markii ay Beelaha Harti qoraal ka soo saareen Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Maxamed Darwiish oo ay sheegeen in uu kalsoonidii Beesha ay kala laabteen.

Nabadoonada iyo Odoyaasha Beelaha Harti ayaa loo diidey in ay kulankooda ama shirkooda ku qabsan karaan goobaha loogu talo galay shirarka, sidoo kale waxaa warbaahinta looga digey in ay bahiyeen codkooda.

caaqilo

 Bidix: Suldaan Maxamuud iyo Caaqil Cabdullaahi

h

Nabadoonada iyo waxgaradka shirka isugu yimid ayaa si shuruud la’aan ah uga codsadey maamulka Jubaland in xabsiga laga soo daayo odoyaasha uu xirey Wasiirka Arrimaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubaland Gen. Maxamed Darwiish

Gudaha ee Jubaland Gen. Maxamed Darwiish.

 

Maamulka Jubaland oo Isimadii kismaayo ka masaafuriyey

Wararka u danbeeyey ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland uu labada oday ee reer Jubaland ka masaafuriyey Kismaayo waxaana ay diyaarad u saareen magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in aysan ku soo laaban karin guryahooda, nabadoon Bile ayaa sheegay in amarka lagu masaafuriyey uu bixiyey Madaxweynaha Jubaland, taas oo ah mid aan horey u dhicin, sida uu sheegay caaaqilku.

Maqaal hore oo ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay halkan ka akhriso

Warbixin dheer oo ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay halkan ka akhriso

Daawo sawiro

1d1d0d36-9c9b-43f9-a0d5-0cb8f3bc677302fa0ae5-769c-4dee-98ff-579d08a33a1d9ba310e0-de5e-4e97-800c-3bf12acd6309affc444f-a2fa-409d-959b-c38cffa152f8b1126e1b-2d36-4633-972a-d4e82ee6bb47bd4b6b70-9107-4702-8c4e-94cd2e8e6b27c5b8d427-cae3-4f59-813f-9759eb8e380bd89009e6-e5a4-4964-a9b1-8969c0d37bcc

Wixii kusoo kordha kala Warbaahinta Puntlandes

 

 

About The Author