AKHRISO: Degmooyin, Maamul Magaalo & Gobolo Cusub oo lagu Ansixiyay Barlamaanka DDSI

28 Feb 2016 (Puntlandes) Waxaa Shalay kal-fadhigii Golaha Xildhibaanada DDSI ay codbuuxa ku ansixiyeen Degmooyin cusub, Gobolo cusub iyo Maamul Magaalooyin cusub oo lagu soo kordhiyey guud ahaanba Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyo.

214-2

Degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo gobolada la ansixiyay ayaa waxay kala yihiin  sidan:

Degmooyinka cusub ee Gobolka Faafan lagu daray

  1. Degmada Qooraan oo rugteedu noqonayso Mula
  2. Degmada Harawo oo rugteedu noqonayso Dharwanaaje
  3. Degmada Jigjigada Galbeed oo rugteedu noqonayso Haroorayso

Magaalooyinka Darajada 3aad ayaa waxaa loo ansixiyay

  1. Magaalada wajaale
  2. Magaalada Qabribayax

Degmooyinka cusub ee Gobolka Jarar

  1. Degmada Bilcil-buur
  2. Degmada Dig

Degmooyinka cusub ee Gobolka Qoraxay

Degmada Boodalay- xarunteeda dib baan idiinka soo sheegi doonaa

  1. Degmada higlooley
  2. Degmada Laas-dhankayre
  3. Degmada Goglo oo rugteedu noqonayso Kudunbuur
  4. Degmada ceel ogaadeen

Degmooyinka cusub ee Gobolka Liibaan

  1. Degmada Boqol maayo
  2. Degmada Qadhaadhumo

Degmooyinka cusub ee Gobolka Shabeele

  1. Degmada Eleele
  2. Degmada Abaaqorow

Degmooyinka cusub ee Gobolka Afdheer

  1. Degmada God-god
  2. Degmada Qooxle

Labadaa dagmo iyagoo oo ay cusub yihiin ayaa waxaa gobalka dib loogu habeeyay sidan:

  1. Hargeele-xarunta gobalka
  2. Baareey
  3. Doolo-baay
  4. jarati
  5. Raaso
  6. Iimay-galbeed
  7. Ceel-kari

Degmooyinka cusub ee Gobolka Sitti

  1. Degmada Gablaalu
  2. Degmada Goota-biki oo xaruntu noqonayso Biki

Degmooyinka cusub ee Gobolka Doolo

  1. Degmada Lahel-yucub: xarunta degmadu waxay noqon Lahelaw
  2. Degmada Galxamur oo horay Bookh uga tirsanayd

Degmooyinka cusub ee Gobolka Nogob

  1. Degmada Xaraarey
  2. Degmada Yaxoob
  3. Degmada Cayuun
  4. Degmada Horshagax
  5. Degmada Waangay

Labada Gobol ee cusub: Gobolka Dhaawa iyo Gobalka Erer

Gobolka Cusub Ee Dhaawa

  1. Leeyi  xarunta gobolka dhaawa
  2. Mubaarak
  3. Hudhat
  4. Mooyaale
  5. Qadhaadhumo

Gobolka Cusub ee  Erar

  1. Fiiq-xarunta gobalka erar
  2. Xamaro
  3. Lagahida
  4. Salaxaad
  5. Mayu-muluqo
  6. Qubi
  7. Yaxoob
  8. Waangay

Degmooyinka Gobalka Liibaan waxay noqonayaan sidan:

  1. Filtu
  2. Dool-cado
  3. Dheka-softi
  4. Boqol-maay
  5. Qarsaadhula
  6. Goora-baqaqsa
  7. Gura-dhaamoole

Degmooyinka Gobalka Nogob waxay noqon sidan:

  1. Ceelwayne xarunta gobalka Nogob
  2. Dhuxun
  3. Sagag
  4. Garbo
  5. Xaraarey
  6. Cayuun
  7. Horshagax

 

About The Author