Dhagayso: Tuur Yare “Magaalada Muqdisho waxaa ka Shaqaynaya dadkeeda, mana ahan in G Banaadir uu marti uga noqdo amnigiisa dad kale”

28 Feb 2016 (Puntlandes) Taliyaha Hey’adda NISA Jen, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho ay dadkeedu ka shaqaynayaan Amnigeeda iyagoo aan cid kale Marti uga noqonayn.

214-1g

Tuur Yare ayaa sheegay in go’aanada shirkaas ka soo baxay la isla gartay in wixii hada ka dambeeya Mas’uuliyada ammaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tuur Yare ayaa sheegay in Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir la hoos-geyn doono Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Muqdisho, isagoo tilmaamay in la isla gartay in maamul kasta in amnigiisa isaga mas’uul ka noqdo.

Dhagayso Tuur Yare iyo warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author