Wararkii ugu dambeeyey ee Kismaayo & Barakicin ay wadaan Ururka Raskombooniyiinta

28 Feb 2016 (Puntlandes)  Waxaa maalintii labaad magaalada kismaayo  si sharcidaro ah ugu xiran Gudoomiye ku xigeenkii Gudigii Madaxa banaana ee Dastuurkii Jubbaland, Idil Abdikadir Hussein, xariga Idil ayaa wuxuu ka mid yahay  olalaha lagu barakicinayo mawaadiniinta Somaliyeed ee ka soojeeda beesha harti, Barakicintan oo horay ay uqorshayeen Urur diimeedka Raskombooniyiinta ayaad waxaad moodaa inay ka soo hormariyeen xiligii loogu talagalay in la bilaabo kadib markii ay si lama filaana uga dhex heleen Beesha Harti  caadaqaatayaal aysan markii hore ee qorshaha barakicinta Beesha Harti la qorshaynayey aan la filayn in sidaas fudud lagu helikaro.

212-7f

Waxaa sidoo kale Weli jeel ciqaabeedka kooxda Diimeedka Raskombooniyiinta si sharcidaro ah ugu jira Nabadoon Abdullahi Bille Saciid. Nabadoon Abdullahi bille saciid ayaa wuxuu Jeelciqaabeedkaas ku jiraa maalintii 7aad, iyadoo aysan jirin wax Maxkamad ah oo la horkeenay mudadaas Todobaadka ah.

Xariga Nabadoonka ayaa tusaale cad u ah inuusan jirin wax sharci ah oo  Deegamada Jubbaland ka shaqeeya taas oo dhaawac iyo niyad jab ku ah taageerayaashii halganka dheer u soogalay Yagleelidii ama dhismihii Jubbaland State Of Soamlia.

Dhinaca kale Waxaa maalintii 7 Todobaad  masaafuris ku jooga magaalada Mogadishu Suldaanka Guud ee Beesha Harti ee Jubbaland Suldaan Mohamud Omar Gelle. Suldaanka waxaa laga masaafuriyey Gurigiisii iyo goobtii Beeshiisu xilkaas weyn ee Dhaqameed ugu dooratay, waxaana loo masaafuriyey magaalada Mogadisho.

212-7e

Suldan Mohamud Omar gelle wuxuu Soo dhaweyn weyn kala Kulmay dhaman madax dhaqameedka Somaliyeed ee kunool magaala magaalada Mogadisho.

Magaalada Kismaayo waxaa weli ka socda ololihii lagu barakicinayey beelweynta Harti, waxayna Ciidama Beeleedka Raskombooniyiintu weli beegsanayaan handadaad iyo caga juglayna ku hayaan muwaadin kasta oo Beesha Harti loo aqoonsado.

Waxaa jira sida wararku Warbaahinta Puntlandes kusoo gaarayaan dhowr gabdhood oo shalay lagu xirxiray Saldhig ciqaabeedka magalada kismaayo iyo kuwo kale oo lagu raad joogo.

Dhanka kale waxaa jira Odayaal Beesha Harti cuqaashooda ka mida oo Police Stationkii hore ee kismaayo, oo hada loo yaqaan ama noqday xarun ciqaabeed, looga yeeray loona sheegay in la Masaafurinayo maalmaha soosocda ayna Diyaar garoobaan.

214-1c

Hadaba waxaa la yaab leh ayadoo ay dhibatada intaas leeg ka dhacayso magaalada Kismaayo, oo ay gaysanayaan Beesha Absame hadana inaysan jirin haba yaraateed Cid kasoo jeeda Beesha Absame oo dhacdooyinkaas foosha xun ka soo horjeesata FICIL ama AFBA.

Dhacdooyinka xanuunka badan ayaa waxay isugu jiraan kuwo ku cusub gayiga Soomaliyeed iyo kuwo ay dadka Somaliyeed ugu dambaysay xiligii KACAANKII 21 Octobar uu Shacabka Soomaaliyeed ku hayey Caburin, Cagajuglayn, Xarig…..

qore Ahmed Mohamud Dalmar

A.Mdamar@gmail.com

Kismaayo-Puntlandes,com

 

About The Author