Qormo Xiiso badan: DDSI oo Galxamur u magacawday Degmo, hadaba waa see Degmada cusub?

28 Feb 2016 (Puntlandes)  Waxaa Shalay kal-fadhigii Golaha Xildhibaanada DDSI ay codbuuxa ku ansixiyeen Degmooyin cusub, Gobolo cusub iyo Maamul Magaalooyin cusub oo lagu soo kordhiyey guud ahaanba Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyo.

214-4b

Degmooyin cusub ayaa waxaa ka mid noqday Galxamur, degmada oo horay uga tirsanayd Degmada Bookh ee Gobolka Doollo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) .

Degmada cusub ee Galxamur ayaa noqonaysa Degmoda 7aad ee Gobolka Doolo, iyadoo shalay lala magacaabay Degmada Lahel-yucub halka uu Gobolku horay uga koobnaa 5 Degmo.

Galxamur dhul ahaan waxay ka tirsantahay Deegaanka caanka ah ee loo yaqaano CIID, waxayna aad ugu dhow dhulka loo yaqaan ‪‎Hawdka. Degaanka ay ku taalo Degmada cusub ee Galxamur waa dhul xooluhu aad ugu badan yihiin waxayna ka mid ahayd tuulooyinka ugu dadka badnaa tuulooyinka hoor imaan jiray Degmada Bookh.

214-4a

Inkastoo aan wali loo xaday Xuduudaheedii iyo Deegaannada hoos imaanaya Haddana markaan eego aqoonta aan u leeyahay dhulkaas waxay maamuli doontaa Deegaannadii ugu muhiimsanaa Degmadii Bookh

214-4

Waxaana Qiyaasayaa inay xukumi doonto Degmada cusub ee Galxamu tuulooyinka kala ah Docmo, Dogob, Damerjoog, Duddun iyo qaarkaloo badan. Dhulkaas ayaa ah dhul leh Xoolo aad u faro badan ayna ku nool yihiin dad badana, haddii laga shaqeeyana ku haboon wax soosaarka oo leh CIID aad u fiican oo Guduudan iyo Madow taasoo Beerashada ku wanaagsan. Waxaa mara Degaanka Degmada Galxamur Tog aad u wayn oo la yiraahdo Dhoosaalli oo looga faa’iidaysan karo dhanka Beeraha.

Waxaan u rajaynaynaa Dadweynaha Deegaankaas inay dhisaan Deegaankooda, ilaashadaana nabadgalyadooda kana shaqeeyaan horumarka Degmada cusub ee Galxamur, islamarkaana soo xushaan dad firfircoon oo hoggaamiya sida Xubnaha Barlammaanka Golayaasha Degmo, Deegaan iyo golaha wakiillada heer Federalba.

Ugu dambayn waxaan Hambalyo aan la koobi karin hawada u marinaynaa Dadweynaha kunool Degmada cusub ee Galxamur ee Gobolka Doolo ee DDSI.

Waxaan kusoo koobayaa qormadayda

Guul Guul Guul

Allaha idingarab galo

Abdiaziz Ahmed Adengaballaax (khalafow)

Halkaas ka akhriso Degmooyin cusub, Gobolo cusub iyo Maamul Magaalooyin cusub

Puntlandes.com

 

About The Author