Madaxweyne Cabdi Cumar oo ka hadlay Gobolada iyo Degmooyinka kusoo biiray

29 Feb 2016 (Puntlandes) Shacabkeena deegaanka waxaa astaan u ah samir wadanimo dulqaad iyo kalsooni shaqo waana mida aan isleehey maanta waxaa ka dhashey Nabada isdhexgal iyo horumarka baaxada leh ee mudada gaaban aan ku gaadhney waana mid mudan in looga mahadceliyo muwaadin kasta oo deegaankeena u dhashey Meel uu joogaba.

177b1

Magacaabida Gobolada iyo degmooyinka kusoo biirey dhulkeena waxey horumaru u yihiin Guud ahaan muwaadin kasta oo u dhashey deegaanka waxeyna noqon doonan kuwa si isku mid ah looga wada faaideysto hadey noqoto shaqo iyo mid nololeedba.

Xukuumadu waxey markale diyaarineysaa Gudi heer deegaan ah oo ka kooban laamaha Dowlada Oo soo Qiimeeyo Goobaha Cabashooyinka kasoo yeedhayaan ka hor Bisha Meskaram ee Sanadka soo socdo.

Magaacista Deegaanadan Cusub ee nagu soo biirey howshooda waxey soo socotey mudo waxeyna Gudiyada howshan u xilsaarnaa kusoo qiimeyaan istaraatijiyo qaab dhaqaale & mid nololeedba waxaana loo arkey Goobo isbixin karo oo buuxiyey shuruudihii Magacaabistooda.

Dadaalada horumarineed eey Xukuumada Oo Kaashaneyso Shacabka ka wado deegaanka waxaan Gaadhsiin doona albaab walba oo katirsan deegaankeena si Goboladeena u noqdaan kuwa laga tirtirey cadowgeena 1aad oo Saboolnimada & jahliga.

About The Author