Isinkii 2aad ee Beesha Harti oo Kismayo laga Musaafuriyey & Wararkii u dambeeyey ee Kismayo

1 Marso 2016 (Puntlandes) Maalinkii Shalay ahayd waxaa laga Masaafuriyey magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose Suldan Abdiaziz Maxamuud Yusuf (afguduud) oo ah Suldaanka Beelaha Ibrahiino/Harti ee Jubbaland.

214-1c

Suldaanka ayaa waxa uu kamid yahay shaqsiyaadkii ka horyimid damaca guracan ee kooxda Raskomboniyiinta ku wado guud ahaan beelaha Somaliyeed ee ku nool guud ahaan dhulka jubbaland, gaar ahaana Beesha Harti oo waayadaan dambe lagu waday Barakicin, Xirxirid, Caga juglayn joogto ah, Boob dhuleed Masaafurin iyo Caburin.

Suldaanka la Musaafuriey ayaa waxa uu la dhashayTaliyaha Booliska Puntland Gen Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afgaduud, waxaana loo Masaafuriyey magaalada Muqdisho oo ay ka dhigteen kooxda Raskomboniyiinta meel ay Reer Kismaanyoodka ay Barakicinayaan u Masaafuriyaan.

Dhanka kale waxaa dhawaan ku fashilmay magaalada Kismaayo shir beenaadkii Beesha Sade Daarood lagu magacaabay in ayaga lagu kala qabanayo oo dib u heshiisiin loogu samaynayo. Shirkaas ayaa markii horeba ahaa khayaano la doonayey in lagu magacdilo Beesha Sade ayaa hadana dhowrkii qof ee meesha laysugu keenay ku kala tageen dhowr kaas qof oo markii horeba aan wakiil ka ahayn beesha sade ee keliya naftooda ka mas’uul ahaa.

Dhowr maalmood ka hor waxaa shirweyn oo looga soo horjeedo kooxda Ahmed madoobe riwaayada ay ku jilayeen Kismaayo uu ka dhacay magalaada Mogadishu, waxaana ka qaybgalay shirkaas mas’uuliyiin magac iyo maamuus ku dhexleh Beesha Sade, kuwaas oo si cad oo bareer ah u sheegay inaysan Beesha Sade matalin kooxda ahmed madoobe Kismaayo ugu yeertay.

 

si kastaba ha ahaatee waxaad mooda kooxda raskombooniyiintu inay ku sii siqayso wado no Exit ah, dhamaan beelaha somaliyeed ee ku dhaqan Jubbaland waxaa u socda shirar goos goos ah dal iyo debedba shirarkaas oo looga tashanayo sidii laga yeeli lahaa kooxdaan  soominguurisay dhaqamadii gumaystayasha, isla markaasna aan ka xishoonayn ciroole iyo caruur.

About The Author