Daawo Video-Sawiro Cadayn ah: (SBC TV) Soow lama oran karo waa ula kac & isku dir qaladka uu sameeyey SBC TV Galkacyo?

21 Jan 2106 (Puntlandes)  Kalfadhigii 5aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa furay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif, waxaana ka qayb galay mamulka Gobolka Mudug, maamulka Degmada Gaalkacyo, xubno ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha dowlada Puntland, masuuliyiin kale iyo Marti sharaf.

Hadaba waxaa maanta Shacabka reer Puntland gaar ahaan reer Mudug ay si aad ah ula yaabeen markii uu TVga SBC warkiisa ku sheegay war Xaqiiqda ka fog kaasoo ah in uu Shirka Furay Gudoomiyaha Degmada isagoo aan SBC TV soo qaadan Khudbadii Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif uu ku furay shirka Munaasabadana uu ka jeediyey.

214-7b

TVga SBC warkiisa halmar kama soo dhex muuqan muuqaalka Gudoomiyaha, isagoo uu Gudoomiyah uu dhanka Bidix ka fadhiyey Wasiirul dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha dowlada Puntlanda uuna kusii xigay Gudoomiyaha Degmada Nugaal halka uu dhanka Miduig ka fadhiyey Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Tigey

214-8

Sawirka kore waa muuqaalka TVga SBC warkiisa, muraayada dambe ayaa laga arkayaa (fadlan daawo TVga SBC warkiisa si aad u aragto Xumaanta uu TVgaasi wado)

Wariyaha uga soo waramayey TVga SBC Cabdulaahi Yare ayaan soo dayn Khudbadii Furitaanka Shirka ee Gudoomiyaha Gobolka Mudug, taaso ah wax saxaafada iyo dhexdhexaadnimo ka fog loogana dan leeyahay isku dir iyo kala qaybin Bulshada walaalaha ah ee Gobolka Mudug.

Waa in uu SBC TV ka bixiyo raali gelin Gefkaan oo aan ahayn markii 1aad ee horayna uu u  sameeyey SBC TV Halkan ka akhri ama ka daawo Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Munaasabad uu Goob joog ka haa ka Khudbeeyey uu SBC TV ugu yeeray Gudoomiye kuxigeenka Gobolka ku sime Gudoomiyaha Gobolka Mudug,!!CAJIIB!!!!

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif waa inuu shaqada ka fariisiyaa wariyiha SBC TV ee Gobolka Mudug iyo SBC TV qaybtiisa Mudug maadaama uu dhumiyey dhexdhexaadnimadii iyo xirfadiisii ahayd wariyenimo inuu ugu shaqeeyo Shacabkiisa.

214-7b
2014-ba
2014-7ca

2014-7c

214-8a

214-8
Puntlandes.com

About The Author