Daawo Video-Dhagayso: Madaxweynaha maamulka Galnusmudug oo ka hadlay xadka ay la wadaagan Puntland

2 Maeso 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha maanulka Fadhigiisu yahay Cadaado ee aan Dastuurka waafaqsanayn ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guleed ayaa sheegay in maamulkiisa ka kooban yahay labo Gobol oo kala ah Gobollada Mudug iyo Galgaduud iisla markaana ay ka kooban tahay 10 degmo,sida uu sheegay mar uu u warramayay talefeshinka Somali Cable.

196-13

Cabdikariim ayaa sheegay in xadka xadkuna uu noqonayo midka uu qeexayo dastuurka Soomaaliya,taaso ka dhigan in laga tixraacayo deegaannada ka trsan gobollada Mudug iyo Galgaduud xadka ay la leeyihiin gobollada kale.

Cabdikariim  ayaa yiri “Galmudug waxay ka kooban-tahay gobollada Mudug iyo Galgaduud oo lamo oran karo gobol iyo bar,xadkuna waa kan uu qeexayo dastuurka Soomaaliya,”

Mar waxa uu Cabdikariim leeyahay maamulkaygu waa laba Gobol uu buuxbuuxa marna waxa uu leeyahay waa 10 degmo!!!

Dhagayso Cabdikariim



Puntlandes.com

About The Author